|

Maareeyaha Madbacadda Qaranka Oo Ka War Bixiyay Waxqabadkooda Shaqo iyo Xafidnaanta Adeegyadooda

liisamadda madbacadaHargaysa 24.Aug 2014 (SDN/QJ)- Maareeyaha Madbacadda Qaranka Cabdilaahi Maxamed Jaamac(Carey),ayaa ka war bixiyay wax qabadka ay Madbacadda Qaranku u hayso Qaranka Somaliland waxaanu  si faah faahsan uga warramay waxyaabaha ay daabacdo Madbacada Qaranku iyo waliba qalab cusub oo ay ku soo kordhiyeen Madbacadda Qaranka,waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay waajib u tahay in ay wax kasta oo qaranka loo daabacayo in ay waajib tahay in ay daabacdo Madbacada Qaranka oo digreeto Madaxweyne lagu faray dhamaan laamaha dawladda in ay wax ka daabacdaan Madbacadda Qaranka.

Ugu horrayn Maareeyaha Madbacadda Qaranka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Jaamac(Carey) oo ka hadlaya waxyaabaha ay u qabtaan qaranka,ayaa yidhi.

“ Haddii aan war bixin guud idinka siinno Madbacadda wax qabadkeedu sanadkan iyo sanadihii ka horreeyay intaaba wuu soo kordhayay oo run ahaanna imika waxay maraysaa heerarkii ugu kaalinqaadsanayd,Soomaaliduna waxay tidhaahdaa hebel tintiintiisii ayaa joogta markaa waxaan odhan karaa maanta Madbacadda Qaranka tintiinteedii ayaa joogta oo waa kaalin qaad.”

Waxaanu intaa raaciyay laba qodob oo ka mid ahaa waxyaabihii hoos udhaca ku keeni jiray madbada qaranka oo uu tilmaamay markii ay daraasad ku sameeyeen in ay ka gudbeen.

“Waxyaabaha Madbacada hoos u dhigi jiray waxaa ugu weynaa laba qodob oo markii aanu daraasad ku samaynay aanu ka kornay kuwaasoo kala ahaa,1.agabka oo ka kala go’a markaa kolka agabku kala go,o waxaay la mid tahay uun reer raashinkii ka go,ay oo aan wax dabka la saaro haysan,taa waanu ka dedaalnay oo agabka  marka  boqolkiiba konton noo yaallo ayaanu soo ka danbe keensanaa mana dhacdo in wax kala go,ahi ay nagu yimaadaan.ta labaadna waxaa weeye shaqaalihii soo dhididay ee soo shaqeeyay oo mushaharkoodu dib u dhici jiray  bil,laba bilood iyo ka badan ka habsaami jiray laakiin mudadii aanu xilka haynay bisha 28 da ayaa ugu dambeeya oo shaqaaluhu ay mushaharkooda helaan,taasina waxay keentay in hammiga iyo himilada shaqaaluhu ay kor u sii korodho,in kastoo ay shaqaalaha madbacadu yihiin shaqaale aad u wanaagsan oo ay dhacday in ay xiliyada qaar soo shaqeeyeen iyagoo 8 bilood mushaharkoodu ka maqan yahay.”

???????????????????????????????Maareeyaha Madbacadda Qaranka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa  wuxuu ku daray oo uu faah faahin ka bixiyay waxyaabaha ay  u qabtaan Qaranka iyo hawshooda shaqo baaxada ay leedahay oo uu tilmaamay haddii ay inyar hoos u dhacdo in ay ka muuqanayso dakhliga dalka oo hoos u dhac ku imanayo.

 

“Madbacadda Qaranku waxay dalka u daabacnaa dhamaan wixii tigidh lacag qabasho ah ee ay leedahay Jamhuuriyadda Somalilan,haddii tigidh qudhi ka habsaamo   Lawyacado ilaa Laasqoray  inta kastam u dhaxaysa waxay ka go,antahay miisaaniyaddii qaranka eek u talo galka ahayd taasina waxay keenaysaa in dakhliga dalku hoos u dhaco kaalintaana sideeda ayaanu u daboolay oo ma jirto meel qudha oo ay cabasho ka jirtaa,intii Xukuumadda Kulmiye xilka qabatayna dakhli uruurinta cashuruhu kor ayay u kaceen mar kasta oo cashuur qabashadu kor u kacdana shaqadayadu kor ayay u kacaysaa la,aantayana dakhli qabashadaasi ma suura gasheen oo juwanada aanu lacag qabashada ee aanu soo daabacno ayaa lagu soo xareeyaa dakhliga guud ee dalka.”

 

Maareeye Carey oo ka hadlayay dhanka qalabka wuxuu tilmaamay in ay qalab badan ku soo kordhiyeen Madbacadda Qaranka isla markaana ay jiraan qaar kale oo u soo socda isla markaana dhawaan soo gaadhi doona dalka.

Waxaa kaloo uu ka hadlay Maareeye Cabdilaahi Carey qaabka ay wax u daabacaan iyo sida ay uga baxaan juwanada ay daabacaan iyo inta saxeex ee ay u kala gudbaan,isla markaana ka jawaabayay eedaymo loo soo jeediyay qaabka shaqo ee Madbacadda Qaranka ayaa yidhi.

“Waxaanu qabanaa laba shaqo oo kala ah ta guud ee aanu qaranka u hayno iyo daabaacadda gaarka ah, ilaa shalay waxaan arkayay oo warbaahinta ku qornaa Madbacada Qaranku daabacaada gaarka ah ee ay daabacdo buug ma galiso taasina waa mid aanay waxba ka jirin oo aniga ayaaba imika idiin caddaynaya,haddaan idiin sheego daabacaadda guud inta jaran jaro ee ay soo marto iyo inta qof ee saxeexa tusaale ahaan ta dawladdaha hoose waxay soo martaa,marka ugu horraysa waxaa soo saxeexa xoghayaha dawladda hoose waxaa hadana saxeexa Maayerka,waxay hadaa u soo gudubtaa agaasimaha gobolada iyo degmooyinka,waxaa isna saxeexa Agaasimaha guud,kadibna waxay u gudubtaa oo saxeeha hantidhawraha guud,intaa markay soo marto ayay isoo gaadhaa oo aan anna saxeexa waxay u gudubtaa agaasimaha farsamada iyo wax soo saarka ee Madbacadda Qaranka oo isna saxeexa,waxaanay u gudubtaa  makiinadaha oo daabaca kadibna waxay ku soo noqotaa bakhaarka, tobankaa saxeex marka ay ku dhacaan  waxaa kale oo iyaguna shaqadooda ka guta oo niman bilays ah oo rug ku leh halkan oo aan shaqaalaha madbacada ka tirsanayn oo u jooga  halkan ilaalinta hantida Qaranka waxaa loo gooyaa wax la yidhaahdo geydh baas ooh al buug oo aan sidan warqada geydh baaska ahi kaba bixi karto booliska ayaan sii deynayn oo aanay dhaafaynba.”

Waxaa ale oo uu beeniyay war lagu sheegay in aanay diiwaan galin daabacaadda gaarka isagoo soo bandhigay  buugaag lagu diiwaan galilaya daabacaado gaar ah oo ku diiwaan gashan buugaagta llagu kaydiyo waxyaaaha ay madbacaddu daabacdo.

Maareeyaha Madbacadda Qaranka  oo ka jaaabayay su,aal laga weydiiyay in  laga wareejiyay daabacaadda liisamada  wadista baabuurta oo la casriyaynayo,ayaa ku jawaabay.

“Horta liisamada wadista baabuurta kuwii horena annaga ayaa daabici jirnay,kuwa cusubna waanu soo bandhignay in aanu adeegga qaban karno illaa haddana cid aan annaga ahayn oo daabacaysa ma ogin,wasiirkii hore ee Hawlaha guud Xaabsade marbuu yidhi waan idinaka wareejiyay laakiin waanu iska aragnay,wasiirka imika joogana waanu iska aragnay midda kale laba arrimood oo kaliya ayuunbaa nalooga wareejin karaa kuwaasoo kala ah kow in aanu adeegga loo baahan yahay qaban kari weyno iyo in ay soo baxdo Digreeto Madaxweyne oo nalagaga wareejiyay labadaa midna ma jirto oo adeegga waan qaban karnaa digreetadii Madaxweynaha ee laamaha dawladda oo dhan lagu amray in ay wax kasta oo ay qaban karto Madbacadda qaranku qaban karto in aan meel kale lagu qaban Karin ee aanu haysanno digreeto Madaxweyne oo ka dambaysay oo hawshaa nalagaga qaadayna maanu arag,markaa sinaba naloogama qaadi karo.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed