|

Maareeyaha Hay’adda Korontada Hargeysa oo Wasiir Xaabsade iyo Guddidiisa ku Tilmaamay Kuwo Xidhanaya Duub Aanay Lahayn

Hargeysa Mar 20,2013(SDN)- Maareeyaha Hay’ada adeega  Korontada Hargeysa  Maxamed Axmed Aadan (Weli Xaawo) ayaa sheegay in aanay jirin awood uu wasiirka hawlaha guud  kaga qaadi karo xilkiisa isla markaana aanu shaqada kaga joojin Karin, isaga oo si adag ayaan darro ku tilmaamay in wasiirka Iyo guddida uu katirsan yahay indhaha ka laliyaan digreetaddii Madaxweynuhu Xilka Maareeyenimada ugu magacaabay.

Mr. Wali Xaawo  oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa waxa uu sheegay   in uu isaga madaxweyne Silaanyo  ku magacaabay  digreeto , taasi oo uu xusay in isaga uun uu xilka ka qaadi karo balse aanay ahayn awood uu leeyahay wasiirka hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade oo  isagu sheegay in uu shaqadii ka joojiyey maareeyaha.

“ Waxaan leeyahay maaha  warshaddu mid dembi loo samaynayo ee waa meeshan yar mana aha  warshad weyn, maalin kaliya su’aal laygama weydiinin , oo gudidu ii may yeedhin, “.sidaa ayaa uu yidhi Mr. Wali Xaawo, waxaanu intaa ku daray   “ Siday tahay  dhaqanku cid gaar ah ayaa iska leh  booska maareeyaha warshadda  oo maaha in la isa saaro culays aan awood loo lahayn”. Waxaanu intaasi ku daray maareeye  Wali Xaawo in aanay jirin  wax   ka bedeli kara digreetadii  uu madaxweynuhu ku  magacaabay ilaa la helaayo xilka qaadis uu madaxweynuhu  soo saaray.

Maamulka warashadda  korontada ee Hargeysa ayaa uu muran ka taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyey iyaga oo uu madaxweynuhu u saaray guddi uu hogaaminayo wasiirka qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire  kana mid yihiin hanti dhawraha guud,  wasiirka hawlaha guud,  iyo hanti dhawraha kuwaasi oo  soo saaray  bayaan ay ku sheegayaan in loo baahanyahay in cid cusub oo tartan u gasha booska Weli.

Xigasho Hubaal

Comments are closed