Maareeyaha Dekedda Berbera oo ku Biiray Madaxda Somaliland ee Saarka Dhaantada laga tumay
Berbera 21Aug14(SDN/QJ)Waxa muddooyinkii u dambeeyey dalka ku sugnaa qaar ka tirsan Fannaaniinta ku caan-baxday ciyaarta la casriyeeyey ee Dhaantada, kuwaas oo ka yimi magaalada Jijiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Waxa ay fannaaniinta Dhaantoyahannada ah oo ka soo ciyaar-guday magaalada Jigjiga ay ka qayb-galeen munaasibad xukuumaddu ku marti-qaadday Qurbejoogga dalka ku sugan oo magaalada Hargeysa ka dhacday todobaadkii hore. Sidoo kale fannaaniintan oo suuqoodu xaami noqday waxa ay si gooni-gooni ah marti-qaadyo ka heleen wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo saarka dhaantadu sida dacarta u hayay, kuwaas oo hudheellada Hargeysa ugu qabtay munaasibado kharashaad badani kaga baxay.
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Cumar (Cali Xoor-Xoor), ayaa ka mid ah masuuliyiinta Qaranka ee meel ka baxsan magaalada Hargeysa ku marti-qaada Fannaaniinta reer Jigjiga, waxaanay Heeso ammaan iyo Saar-ka-tumis ah ugu qaadeen Gudaha Dekedda Berbera, halkaas oo maareeyaha iyo shaqaalaha kala duwan ee Dekeddu kaga mashquuleen hawlihii ay Qaranka u hayeen.
Tumashada Cali Xoor-Xoor markii ay dhammaatay, Fannaaniinta reer Jigjiga waxa ay ka soo laabteen Berbera iyaga oo Kharash kuusan oo Maareeye Cali Xoor-Xoor siisay oo ay la mabsuudeen jeebadaha uga buuxdo, waxaanay isla xalayba ku soo noqdeen magaalada Hargeysa oo la filayo inay maalmaha soo socda uga sii gudbaan magaalada Jigjiga ee ay ka yimaaddeen.
Fannaaniintan oo muddo dhowr todobaad ah ku sugnaa magaalada Hargeysa isla markaana munaasibado dhowr ah oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin xukuumadda ka tirsan ka tumay Ciyaarta Dhaantada oo aan laga aqoonin Somaliland, ayaa ku yimi marti-qaad uu u fidiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo la xintamaya fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo ah dhalinyaro waddaniyiin ah oo mihnaddooda fanku wada-gaadhay geyiga Soomaalidu degto oo laga wada-jecel yahay heesahooda.
Xafiiska wararka qurbejoog
Berbera