|

Maareeyaha Cusub ee Wakaalada Korontada ee Caasimada oo Xilkii la Wareegay

Hargaysa 13.June (SDN)   Maareeyaha Cusub ee  Hay’adda Korontada magaalada Hargeysa  Mud.Axmed-yaasiin  Aw Maxamed Jaamac oo uu weheliyo maareeye ku xigeenka cusub ee hay’adaas C/llahi Yuusuf Cismaan, ayaa maanta  Xilkii Hay’adda Korontada kala wareegay    Ku simihii  Maareeyaha  ee Hay’adaasi.

Xil-wareejinta oo lagu qabtay  Huteel Samer-Time ee magaalada Hargeysa, kana soo qayb galeen   Wasiirka Hawlaha Guud Mud,Axmed Cabdi Xaabsade, madaxda  laamaha hay’adda Korontada , madax dhaqmaeed iyo marti sharaf kale. Hadal uu halkaa ka  jeediyey Maareeyaha Cusub ee hay’adda Korontada, waxa uu sheegay in uu  samayn  doono qorshe saddexda bilood ee ugu horeeya ay ku howl-geli doonaan, isaga oo xusay in uu dersi doono  hawlaha  kala duwan ee hay’adda si uu markaasi u sameeyo qorsha Guud oo ay hay’adu ku howl-gasho.waxa kale oo uu xusay inuu samayn doono deraasad ku saabsan caqabadaha  hor-yaala hay’adda,iyaga oo la kaashanaya  cid khibrad u leh howsha .Waxa kale oo uu maareeyuhu sheegay in uu dedaal u  geli doono  sidii ay bulshada  adeegooda ku xidhani u heli lahaayeen laydhku filan.

Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud Mud, Axmed Cabdi xaabsade oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay,inuu ka mid ahaa masuuliyiin loo xil saaray inay ka soo war-biixiyaan hay’adda  Laydhka ee Hargaysa iyo xaaladda ay ku sugan tahay.waxaanuu sheegay in ay baadhistaas ku ogaadeen laba  arimood inay haystaan hay’addan, kuwaasi oo kala ah  Maamul Xumo iyo dhaqaale  la’aan.  Waxaanuu intaa raaciyey in ay  madaxweynaha u soo jeediyeen in maamulka  sare ee Hay’addan aan la magacaabin ee tartan loo galo, si markaa loo helo cid ku haboon aqoonteedana leh taasi oo uu madaxweynuhuna KA  aqbalay.

Mud,Xaabsade waxa uu halkaasi ku soo bandhigay xadiga daynta lagu lahaa hay’adan iyo Xadiga ay  hay’adu dayn ahaan ugu lahayd macaamiisheeda . Waxaanuu Maareeyaha Cusub u rajeeyey inuu ilaahay la garab galo gudashada xilkiisa kuna asturo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed