“Maanta waxaa uu waagu inoo baryey maalin ka mid ah maalmaha Siilaanyo Lagu Xasuusan doono” Mujaahid Xasan Guure
Hargaysa 13.April 2014 (SDN)-Guddoomiyaha Gudida Madasha Wada Tashiga Mujaahid:Xasan Guure Jaamac ,ayaa si kulul u dhaliilay rasaastii maanta galinkii hore booliska Somaliland gaar ahaan ka caasimadda Hargeysa uu kala hor tegay ardayda Jaamacadda Hargeysa oo muddaraad salmi ah kaga cabanayay lagac lagu kordhiyay.
Mujaahid Xasan Guure Jaamac Oo Maanta Warbaahinta ugu warmaayey magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in cabashada ay ardaydu ka cabanayaan ay ahayd in Xukuummadda siilaanyo ay ku bixiso lacagaha cashuurta ah ee ay u adeegsanayso sidii kursiga loogu kordhin lahaa,waxaa kaloo uu Xukuummadda u soo jeediyay inay joojiyaan gidaarada ay dhisayaan isla markaana ay ardayda ku bixiyaan qarashka meelaha kale ku baxaya taasoo uu ku tilmaamay in ardayggu yahay Mustaqbalkii dalka.
“Maanta waxaa uu waagu inoo baryey maalin ka mid ah maalmaha Siilaanyo Lagu Xasuusan doono,waxaa aynu ogayn dhalinyaro ku soo baxday harraad oo biyo u soo baxday oo soo rawaxay markii biyo wax loogu kariyo loo waayey xabad loogu jawaabay,maantana waxaa aynu u taaganahay oo waagu inoogu baryey xabad ardaydii jaamacada Hargeysa ah oo dhawr goor ka cabatay innaga oo og xaaladeena dhaqaale iyo sida aanu qofku u qaadi karayn inta uu qaadi karoba,ayaa waxaa ay cabasho ardayda jaamcaddu ka keneen dhawr goor oo lagu kordhiyey Fee-ga,waa run jaamacadu kharash ayay u baahan tahay intaa ardayda laga qadaana in kabadan ayey u baahan tahay laakiin xilkaasi kumuu saaran yahay.”
Guddoomiyaha siyaasiyiinta ku bohoobay Madasha Wada-tashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac waxaa kaloo uu ka hadlay inay lagama maarmaan tahay in lacagta lagu dhisayo waddooyinka iyo dhismayaasha kale in la galiyo ardayda waddanka islamarkaana wax kasta waxa ka horreeya ay tahay in ardayda la hiso oo lagu tabco.
“Xilkaasi waxaa uu saran yahay su’aal la’aan ninka cashuurta ay dadku siiyaan,cashuurta waxaa loo bixiyaa in caruurtu ay wax ku barato,in shaqo lagu siiyo inay noqoto wax dhaqaale lagu siiyo,maaha wax odayaal loo qayb qaybiyo ama xildhibaanno lagu laaluusho wax kolba kursi lagu kordhisto maaha,waa in lagu bixiyaa jaamcadaha ardayda dhigata waxbarashada lacagta cashuurta dadka lagaga qaado,gidaar uun ku rinjiyeeya maahee waa in maskaxda dadka lagu dhaqaa oo maskaxda ardayda lagu barbaariyaa maaha in gidaar uun lagu rinjiyeeyo,intii uu aqal dhisay maxamed siyaad barre iyo gidaar uu dhisay waatii laga yaacay, dawladdu waa inay kharashka jaamcadaha ay bixisaa waa in ay joojisaa waddooyinka iyo gidaarada ay rijiga marinayaan ha ku bixiso ta dadka lagu naasnuujinayo,intaas oo dhaliyara ah oo maanta aad siilaanyooy aad jeelka ku gurtaa xaaraanbay kaa tahay”.
Hargaysa SDN.