|

“Maanta waxaa la joogaa xilligii nabadda iyo horumarka,”Raisal Wasaare Saacid oo baaq u diray Ciidamada Qalabka Sida

Muqdisho 14.Nov 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta oo Khamiis ah amar ku siiyay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe inay kala dhex galaan beelaha ku dagaallamaya gobolkaas.

ShirdoonII-300x195Isagoo shir guddoominayay shirka golaha wasiirrada, raysul wasaare Shirdoon wuxuu u jeediyay beelaha ku dagaallamaya gobolka Shabeellaha Dhexe inay joojiyaan colaadda, oo ay khilaafkooda ku dhammeeyaan wada-hadal.

“Maanta waxaa la joogaa xilligii nabadda iyo horumarka,” ayuu raaciyay raysul wasaare Shirdoon.

Toboneeyo qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacantay dagaal toddobaadyadii ugu dambeeyay ka socday duleedka magaalada Jowhar, kaas oo ka billowday muran labo beelood u dhaxeeya oo ku aaddan lahaanshaha dhul beereed.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa isna mar uu dhowaan booqday magaalada Jowhar wuxuu dhinacyada ay dirirtu u dhaxeyso ugu baaqay inay colaadda joojiyaan, oo ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed