|

“Maanta wasiir baan ahay shalayna Maayar baan ahaa,Meel kasta oo la ii magacaabo waxaan diyaar u ahay.. ” Wasiirka Cusub ee Wershadaha

Hargeysa  16.March 2015 (SDN/QJ) Maayarkii hore ee  degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo haatana ah Wasiirka Warshadaha Somaliland, oo Madaxweyne Siilaanyo ugu magacaabay isku shaandhayntii ugu dambeysay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka Madaxweynuhu u magacaabay islamarkaana diyaar u yahay inuu qabto.

SHUCAYBDad badan ayaa aaminsanaa in Shucayb Maxamed Muuse Xilkan wasiirnimo ay uga wanaagsanayd inuu sii ahaado Maayarka Gabiley balse waxa uu si fiican u soo dhaweeyay xilka loo magacaabay “Xilkaas Madaxweynaha Somaliland Ii magacaaba diyaar baan u ahay waanan soo dhaweynayaa,meel kasta oo la ii magacaabo waxaan diyaar u ahay inaan qabto maadaama oo loo shaqaynayo qaranka Somaliland.xilkaas Madaxweynuhu igu sharfay waan qabanayaa, maanta wasiir baan ahay shalayna Maayar baan ahaa” ayuu yidhi Wasiirkan Cusubi .

 

Maayarka oo Saxaafadda Hargeysa kula hadlayay ayaa la waydiiyay sida uu u arko xilka loo magacaabay Xilli xukumaddu sii socoto maadaama Xukumaddii Rayaalena wakhtiyadii u dambeeyay wasiir loo magacaabay, wuxuuna sheegay inaanay u muuqan Xukumad wakhtigeedu sii dhamaanayo, isagoo ku dooday in Madaxweyne Siilaanyo ku guulaysanayo teeramka dambe.

Comments are closed