|

“Maanta quluubteennu waxay la jirtaa fannaankii weynaa ee Maxamed S. Tubeec ” Ra’isal Wasaaraha Somalia

Muqdisho 11.March 2014 (SDN)- Fannaanka weyn ee Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa Aroortii Talaadada ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka.

Tubeec

Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Tubeec.

“Maanta quluubteennu waxay la jirtaa fannaankii weynaa ee Maxamed S. Tubeec “Boqorka codka” oo geeriyooday, Waxa uu u adeegay ummadda, ayuu raysul wasaare Cabdiweli Sheekh ku yiri qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter.

Tubeec wuxuu ahaa fannaan si weyn looga yaqaanno gayiga Soomaaliya, wuxuuna ku caan-baxay magaca ‘Boqorka Codka’.

Wuxuu fanka billaabay 1950-meeyadii.

Tubeec wuxuu leeyahay heeso badan oo isugu jira waddani, jaceyl, guubaabo ammaan, duco iyo heellooyinka qaraamiga ah.

Wuxuu ka tirsanaa hobollada Waaberi ee hoggaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliya.

Heesaha uu qaaday waxaa ka mid ah Nasteexo, Alla Maanta ayaanta, Heesta Sanadka iyo Waqti.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed