|

Maanso Cusub Oo La Magac Baxday (DURBAAN), Oo Jawaab U Ah Deellaydii Uu Furay Wasiir Xirsi

Garyaqaan abwaan Xamse Dubad Cabdilahi oo ka mida ardayda Somaliland ee dhallinyaradda ah ee wax ka barata dalka Uganda kana diyaariya shahaadda sare ee Masterta ayaa ku soo biiray, kana jawaabay deellaydii uu furay Wasiirka Madaxtooyada ee Xirsi, Waxaanu kaga qayb qaadanayaa maanso cusub oo halku dhigeedu yahay DURBAAN, waxaanu ku bilaabay sidatan. Dunta gabay kugu maan ogayn, kanise waa dayne Kan anaa dububiyey oo daayin iigu deeq furaye Dibnahayga waatan ka jaray dihashadiisiiye Daayin baa dunida maamuloo Ciddi la doodayne Dawladnimadu waa deeq daayin loogu mahadiyaaye Daahirbaa ka dhigay duulkan ul iyo diirkeede Daamo daamo ayaa loo kala fadhiyaa dawladan Axmede Duul walba daalinbaa u kaca oo laga dawoobayne Damiir xumadu waati Xirsow Daablayda ku dhiiibtay Dulqaad yaradii waatii dumarka ku gaysay Birma gaydo lama taaban jirin daayin abidkeede Damiin iyo doqonbaa loogu dawgalayee Bal inaad damiin tahay maxaa dunida gaadhsiyey Dignaantaaduna waxay tahay mid bila dareeno Durbaan aad u tumatee Iska daa daawyooge duur joogtu dhaadeyn Dardartaadu yaanay ku galin Dayrka oodaha ee Dib u joogso intaan dacar lagu dareeensinee Damiir xumadu waati Xirsow Daablayda ku dhiiibtay Dulqaad yaradii waatii dumarka ku gaysay Birma gaydo lama taaban jirin daayin abidkeede Damiin iyo doqonbaa loogu dawgalayee Garyaqaan abwaan Xamse Dubad Cabdilahi Hamsedubad01@hotmail.com Tel 00256 793495877 Kampala-Uganda

Comments are closed