|

Maamulkii Siilaanyo Ee Lagu Hugoobay Misna Isla Quman Ilaa Hada!!

Markii ay xilka la wareegeen hogaanka madaxweyne Mr.Siilaanyo uu hagayaa waxa ay ahayd markii taariikhdu ahayd bishii Todobaad 2010, waxa sara joogsaday oo si weyn hanqalka ula kacay qabyaaladii iyo musuqmaasuqii,wax qabad la’aantii, hafarkii maatida, been u sheegidii taakulo bixiyayaashii caalamka, taas oo sababtay dib u dhaca horumarkii ummadu ay ku hamiyeysay ee dhan walba lahaa, hadii ay noqoti dhanka arrimaha bulshada ee biyaha,cafimaadka,shaqada,waxbarshada iyo siyaasada arrimaha dibada iyo ta gudahaba. Waxa kaloo majara habow iyo dayew aad u xoogani ku dhacay siyaasadii qoomiyad ahaan la filayey in ay talaabo hor leh oo caalamku ku qanco gooni isutaaga jsl ay qaado.Waxa kale oo maamulkaa Siilanyo uu wax weyn u dhimay milgihii iyo meeqaankii qoomiyadeed ee ummada reer Somaliland.

Xukuumadani waxa ay la timi wacdaro ceebeedyo sida mowjadaha bada is daba socda oo midiba mida kale ka darantay kana wax yeelo weyn tahay, waxaanay xukuumadani aduun weynaha u soo bandhigtayqorshe la’aan, han yaraan iyo mabda la’aan taas oo sababtay in lagula soo dhiirado waxaan dani ugu jirin mushtamaca reer Somaliland oo meeshaba ka saaraya qadiyadii iyo himiladii qoomiyaded ee gooni isu taaga ahayd ee lagu waayey nafaha badan iyo maalka aan la qiyaasi karin.

Waxa muuqaal kale yeeshay rajadii laga qabay madaxweyne Siilaanyo waxana ceeryamo iyo caad isu rogey aqoontii iyo waayo arragnimadii lagu tuhmaayey Mr.Siilaanyo iyo hogaanka maanta talada dalka haya,waxa tashuush weyn ku abuurmay ummadii ulanaysey rajadii horumar ahayd, waxaana tashuushkaasi abuuray in kalsoonidii shacbigu siiyay madaxweyne siilaanyo ay noqotay mid khasaartay dareen shakiyana gelisay in wada hadaladan lala bilaabay Somalia aanay noqon doonin kuwo guul laga gaadhayo khasaare mooyee.

Maamulkan Siilanyo, wuxuu la yimi ficil qalafsan waxaanu ummada u jeheeyey dariiq mugdiya oo sii hayntiisu khalkhal iyo burbur dhaxalkiisu yahay burburinayana qaranimada dhadhabka ah ee JSL, waxana abuurmay habdhaqan siyaasadeed oo bahdilan oo owdey dariiqii Somaliland kula doodi lahayd dunida si ay ugu qanciso rabitaanka shacbigeeda. Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waxay ku guuldareysatay in Somaliland ay caalamka u soo bandhigto qorshe cad iyo hadaf muuqda oo qeexaya rabitaanka mushtamaca reer somaliland sameeyaana sababo lagu taageero.Waxa ayaan daro weyn ah waxa maanta hogaankii aynu doranay hor fadhiyaan wasiirkii daakhiliga ee Fila-Somalia.

Dhaqdhaqaaqan ay qaadday Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waa tallaabo jiitameysa oon lugo adag ku taagneyn, waxana ka muuqda fuleynimo iyo habacsanaan aada oo suurto gelin karta in lagaga gacan sareeyo dhan walba si sahlana loogu xidhiidhiyo maamulka koonfur ee isagiiba aan weli fadhi baran waana ayaan daro weyn.Waxana muuqata in aanay caalamka ku qancin karin in ay yihiin laba maamul oo is barber degen oo midwaliba u madax banaan yahay arrimahiisa iyo xidhiidhka ay la samaynayaan caalamka.

Hogaankan Siilaanyo waxa uu shacbiga ku abuuray kalsooni daro iyo werwer ay ka qabaan in ay ku guul dareystaan hadafkoodii soo jiraanka ahaa oo ayna suurto gal ahayn in maamulkani caalamka ku qanciyo qoomiyad ahaan, xuduud ahaan iyo maamul ahaanba.Xukuumada Siilanyo waxa ay ku guul dareysatay in ay caalamka ku qanciso in ay qoomiyad iyo deegaan ahaan iyo dad ahaanba caalamka ugu jirta kaalin qiimo badan oo aan la dhayalsan karin xaqna ay u leeyiin in loo tixgeliyo rabitaankooda,qiimahooda iyo kaalinta deegaan ahaan ee ay kaga jiraan madaqada geeska africa laguna tix geliyo taariikhda soo jireenka ah ee JSL ay leedahay.

Maaha munaasib in hogaankaa qaloociisa iyo wax yeeladiisu ay sababtay in ummadii dooratay ay mar qudha rajo daro caama ka muujiso oo calamkii inagula soo dhiirado waxaan rabitaanka shacbiga ahayn maaha in aynu indhaha ka qarsano una raadino sababo madhaleysa oo aynu ku dedeyno qaladkooda iyadoo qoomiyad ahaan meeqankii aynu laheyn hoos u dhacay indha caalamkuna aynu ugu muuqano meel aad u hooseysa makii maamulkeenu uu ka been sheegay taakuladii caalamku ina siiyey wixii lagu qabanayey ee taakuladii ku xarootay jeebabka shakhsiyaad gaara halka arrintii ama baahidii caalamku ku bixiyey takuadaasi ay sidii iyo si ka sii liidata ay tahay.

Gunnaaned Xukuumadda sanadkii ugu horeeyey la timi wax yeelada baaxadaa lehi maaha mid laga sugo wax kale,dadka inta weli majara habowsan ee ku hafatay beenta iyo dhalanteedka uu maamulkani xanbaarsanaa ee welina uu la wareegayo waxaan ku boorinayaa in aanay luminin rajada ubadkooda iyo tooda inta ayar ee ka hadhay waana in cod midaysan lagu saxaa maamulkan keni adeyga iyo boobka moodaya wanaaga.

-Garbaduub hadaad uga xidho oo aad gaadhna ka ahaato gacan uu ninkii lahaa go’eynayaa way gumuudantaa..(AHN Adillahi Suldaan Tima Cade)

-Nin Qabyaalad rabeystey rasamaal kama gaadhee rarankuu ku gubtaa;Nin Abeeso rudhaana hadaanu ruuxu ka boodin riiq danbuu u dhintaa.(AHN Abdillahi Suldaan Tima Cade)

-Kac gardaadi wiil lama yidhaa xaaduq gaamuraye inuu gumardiisii dhaxlaa looga gudayaaye; Wax ka dhigan hogaan gobanimo gaasa bixinteed.(Abdullahi Macalin Dhoodaan).

Comments are closed