Maamulka Ximan & Xeeb oo faah faahin ka bixiyay dad lagu dilay deeganada ay maamulaan
Cadaado May 28 2013 (SDN)— Maamulka Ximan & Xeeb ee gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen dilal shalay ka dhacay degaano hoostaga goobaha ay ka arrimiyaan maamulkaasi.
Cumar Guureeye oo ah Ninka u qaabilsan Maamulkaasi arrimaha gudaha ayaa waxa uu sheegay in dadka isdilay ay ahaayeen dad Reer guuraa ah oo wada daga deegaano maamulkaasi hoostaga waxaana uu intaasi ku daray in ay kala dhexgaleen.
Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar Guureeye ayaa tilmaamay in falkaasi ay geysteen dad arxan laawayaal ah oo reer guuraa ah wada dagana deegaano ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb dadka islaayayna ay yihiin labo reer oo wada qoys ah.
Sidoo kale wasiirku waxa uu beeniyay wararka sheegaya in maamulka Ximan & Xeeb uu ka danbeeyay falka dadkaasi lagu dilay.
SDN-Cadaado