|

Maamulka Ximan iyo Xeeb Oo Gacanta Ku Dhigay Haweenay iyo Nin Watay18-Carruur ah iyo Ciddii u badkaasi ka Maqnaayeen Oo La Baafinayo

Cadaado:May,16,2014(SDN/QJ)-Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay inay Maalintii shalay gacanta ku dhigeen Haweenay iyo Nin watay Carruur  aad u tiro badan, kuwaas oo la sheegayo inay ku si jeedeen Magaalada Galkacyo ee  Maamulka Gal-mudug.

aruu Afhayeenka maamulkaasi Cadheys Maxamed Xaaji, oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dalbanayaan cidii ay caruurtaasi oo u badan gabdho ay ka maqan yihiin inay la xidhiidhaan.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in caruurta markii ay wareysteen qaarkood ay u sheegeen in laga kaxeeyay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadi.

 

Cadheys Maxamed Xaaji, ayaa dhanka kale ka hadlay labada ruux ee caruurta watay qaabkii ay kaga shakiyeen iyo da’dooda wuxuuna sheegay inay u sheegeen hadalo is dhaafsiisan, taasi oo shakiga ku dhalisay.

 

Caruurtaasi ayaa ka kooban 18 caruur ah oo kala ah 17 gabdhood iyo hal wiil oo ruuxa ugu yar uu yahay 4 sano jir, sida uu noo sheegay afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb.

Carruurtan ayaa ay muuqataa inay yihiin kuwa   la soo xaday, isla-markaana loogu talo galay in meelo fog la geeyo, iyadoo inta badan deeganadaas ay ku badan yihiin xatooyada Carruurta yaryar oo Ethiopia la geeyo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contat@somalidiasporanews.com

Comments are closed