Maamulka Puntland Oo Warsaxaafadeed Hanjabaad ah Ka Soo Saaray Degmada Taleex Oo Somaliland Gacanta U Gashay
Garowe:June,13,2014(SDN/QJ)-Maamul-Goboleedka Somaliyeed ee Puntland, ayaa si adag uga Hadlay Ruqaansigii Ciidanka qaranka Somaliland ku sameeyeen Degmada Taleex ee Gobolka Sool oo aanay hore u joogin.
Madaxtooyada Puntland ayaa gudo-galka Ciidanka qaranka Somaliland ee Degmada taleex ku tilmaantay Gardarro Cad, waxana ay Bulshada caalamka u dirtay Baaq muujinaya in lagu Gardarrooday.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland oo arrinta Ciidanka qaranka Somaliland lagaga Hadlayey ayaa lagaga digay in qabsashadaasi keeni karto Baro-kac ku Yimaadda Bulshada Halkaas Deggen oo markii hore iyo Haatanba si Nabad ah u deggen.
Warsaxaafadeedka Madaxtooyada Puntland ka soo Baxay ee Arrinta Taleex lagaga Hadlayo ayaa u dhignaa Sidatan:
WAR SAXAAFADEED
1, Waxay dawladda Puntland la socod siineysaa beesha caalamka in maamulka Somaliland uu duulaan qaawan ku soo qaadey 10 june, 2014 degmooyinka Taleex iyo Xingalool oo ka tirsan dhulka Puntland
2 ,Duulaankaas gardarada ah wuxuu sababay barakac baahsan oo ka socda deegaamadaas ,
3, Dawladda Puntland waxay mar kale u caddeynaysaa ummadda Soomaaliyed, dawladaha dariska ah iyo beesha caalamka in maamulka Somaliland mar kasta oo ay duulaan kusoo qaadaan dhulka Puntland ay weheliyaan howgalo ay ku taageerayaan ururka al shaab ee argagixisada ah si ay uga fuliyaan gudaha puntland falal argagiso
4, Ugu danbeyn dawladda puntland waxay diyaar u tahay iyadoo fulineysa waajibaadka dastuuriga ah in ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda
5, Waxay kale oo ay dawladda Puntland u direysaa baaq nabadgalyo iyo in la joojiyo colaadaha ku soo noqnodey gobolka shabeelada hoose iyo kuwo ka soo cusboonaadey gobolka Galguduud in lagu dhameeyo colaadahaas wado hadal
Af-hayeenka Madaxtooyada
C/laahi Mohamed Jamac Qur’aan jecel.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com