Maamulka Madaarka Caasimada oo ka hadlay in Shirkad Gaar ah Kooto loogu Xidhay Gaadiidka Tagaasida ah
Hargaysa 27.Dec 2013 (SDN)- Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa maanta ka hadlay cabasho iyo eedo ka yimid qaar ka mida tagsiilayaasha qaada rakaabka madaarkaasi ka soo dega.
Maamule Maxamed Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaarka ayaa sidoo kalena beeniyey ka ganacsiga Madaarka ay maamul ahaan cid gaara Kooto ugu xidheen.
Isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa yidhi “waxaan doonayaa saxaafadda u iftiimiyo arimo ku saabsan dhinaca tagsiileyaasha ka ganacsada madaarka, kuwaas oo saxaafadda qaar ka mid ahi qoreen in wasaaradda duulistu ay kooto ugu xidhay qaadista dadka madaarka ka soo dega shirkad ganacsi oo gaara, arintaasi waa mid waxba kama jiraan ah, waxanan umadda Somaliland iyo saxaafaddaba u cadaynayaa in aanay jirin cid aanu anagu kooto madaarka ugu xidhnay, siyaasadda Somaliland ee arima ganacsiguna ay tahay mid ku dhisan nidaamka suuqa xorta ah.”
Maamule Maxamed Yuusuf ayaa intaas ku daray “ Arinta muranka tagaasidu waxay la xidhiidhaa ka dib markii shirkada Raaxo ay naga soo codsatay inay Madaarka xafiis ku yeelato, kana qayb qaadato qaadista dadka madaarka ka soo dega, anaguna cid ku soo biiraysa ka ganacsiga madaarka oo aanu u diidi karnaa ma jirto, kuwii hore ee joogayna way shaqaynayaan, kuwa cusubna waanu soo dhawaynayaa, markii ay Raaxo soo codsatay waxa ay arintaasi u cuntami wayday tagaasiileyaashii hore, kuwaas oo u arkay inay dani ugu jirin iyaga, arintaasi muran ayey dhalisay, anaguna waan-waan ayaanu ka galnay, dhex dhexaadintii aanu ka galnay way suuro gali wayday oo waxa naga diiday ragaas tagsiilayaashii hore ah, waxaanu ugu baaqnay inay shan cisho iyagu madaarka ka shaqays taan Qoloda Raaxana ay laba maalmood ka shaqaystaan, maadaama ay Raaxo ka qiimo jaban tahay iyaga, taasna way anaga diideen, imika nimankaas tagsiileyaasha ah Madaarka waanu ka joojinay, Raaxana waanu ka joojinay, waxanay noqonaysaa inaanu cid kale oo adeegsan hanata siino.”
Maamulaha Madaarka Hargeysa ayaa sidoo kalena waxa uu intaasi ku daray “ Shirkada Raaxo anaga nagamay soo codsan inaanu kooto madaakra ugu xidho, taasina maaha mid anaga naga suuroobaysa oo aanu samayn karno, laakin nimanka doonaya inuu madaarku u xidhnaado oo uu kooto ugu jiro, waxana aan iska badalin waa Tagaasiileyaashaas hore, oo doonaya inay u shaqeeyaan sidii ay labaadan sano ka hor u shaqaynayeen.”
Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inay ka maamul ahaan doonayaan inay Tagaasida Madaarka nidaam u samaayeen balse ay qabad kala kulmeen Tagaasiilayaashaas hore waxaanu yidhi “ tagaasidaas hore ma laha midab lagu garto, ma laha xafiisa laga xidhiidho, ma laha qiime go’an oo ay dadka ku qaadaa, intaas markii aanu isku daynay inaanu u samayano, way naga diideen, iyaguna way samaysan waayeen, cabasho badanai way nooga timid arintaas, waxay noqotay inay yihiin rag meesha dhib u jooga, waxanu anagu door bidaynaa inuu Tagsigii uu nidaam lahaado, isla markaana uu qiimo go’an dadka ku qaado.” Ayuu yidhi Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com