Maamulka Jubba Land Oo Shaaciyey In Dagaal la Geli Doonaan Maraakiibta Sharcidarrada kaga Kalluumaysanaysa Xeebahooda
Kismayo:May,01,2014(SDN/QJ)-Maamulka Ku-meel-gaadhka ah Jubba ayaa ka digay Maraakiibta sharci-darrada kaga kalluumaysata Xeebaha Maamulkaas.
Maamulka ayaa ku Gooddiyey inay tallaabo sharci ka qaadi doonaan maraakiibta iyo agabka kale ee Kalluumaysi ee sida joogtada ah u guranaya Kalluunka ku duugan Xeebaha Maamulkaasi Gacanta ku hayo.
Maxamed Ibraahin Faarax oo kamid ah masuuliyiinta Maamulka KMG ee Jubba, ayaa usheegay Saxaafada inay digniin udirayaan maraakiibta shisheeye ee sida sharcidarada ah uga kaluumeysta xeebaha Maamulkaasi oo muddooyinka soo badanayey.
Waxa uu sheegay inay la xisaabtan la sameynayaan Maraakiibta sida sharcidarada ah ku kaluumeysanaya, waxaana uu intaasi hadalkiisa ku daray haddii aaney ka waantoobin maraakiibta in tallaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan.
Maxamed Faarax ayaa xusay in todobaadkii lasoo dhaafay uu Xeebaha Maamulka Jubba ku xadgudbay sida uu sheegay markab ciidamada ammaanka xeebaha ayna dib uceliyeen markabkaasi, waxana uu intaasi ku daray in arrintaasi caddayn u tahay in si fudud loo daldasho khayraadka Maamulkaasi xeebihiisa ku duugan.
Guud ahaan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ka kaluumeysta maraakiib badan oo sharcidaro ah , kuwaasi oo guranaya Kheyraadka Badda ku duugan, iyadoo in badan ay dawladda Ku-meel-gaadhka ahi sheegtay inay Arrimahan Tallaabo ka qaadi doonto inkastoo aanay wali dhicin taasi.
SDN/QJ