Maamulka Juba Land oo Cafis u Fidiyay Maxaabiis falal kala Duwan u Xidhnaa
Kismaayo 15.October 2013 (SDN)- Hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta cafis u fidiyey qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran saldhiga magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa cafiskamaxaabiista kaga dhawaaqay fagaare uu dadweynaha Kismaayo kula tukaday saaka salaadda Ciidda.
Inkastoo uusan sheegin tirada maxaabiista uu cafiska u fidiyey haddana wuxuu ka dhawaajiyey in tani ay kamid tahay dadaallada maamulkiisa ee la xiriira in lagu yareeyo in dadku ay galaan dambiyo.
Maxaabiista cafiska loo fidiyey waxay ku eedeysnaayeen dambiyo kala duwan.
Dad fara badan ayaa ku xirann saldhigga iyo xabsiga dhexe ee Kismaayo, kuwaasoo qaar badan oo kamid ah lagu eedeeyey in ay ku lug lahaayeen falal ammaanka ka dhan ah.
Kismaayo SDN.
Qurbejoog.com