Maamulka iyo dadka reer Hiiraan oo ka arinsaday sidii howsha Isbitalka Magaalada Baladweyne ay ku sii socon laheyd
Baladweyne Jan 04 2013 (SDN)— Kulan ay isugu yimaadeen Odayaasha ,Waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Beledwayne ee xarumta gobolba Hiiraan iyo sodoo kale maamulka magaalada baladweyne ayaa waxa uu ka dhacay halkaasi.
Waxaana uu kulankaasi ku saabsanaa sidii uusan u xarmi lahayn isbitaalka magaalada Beledwayne oo ay dhawaan isaga baxaday hay,adii gacanta ku haysay Isbitaalakaasi.
Waxay sheegeen in wax waliba uu kamuhiimsan yahay caafimaadka qofka bini,aadanka ah caafimaad la,aana aaney jirin qof joogi karta. Ama noolaan karta.
Qaar ka ka mid ah Haweenkii iyo Waxagaradkii kulan ka hadlay waxay isku raaceen in uusan xirmin isbitaalka isla marrkaana ay dhibaato tahay haduu xirmo Isbitaalaka .
Isbitaalka magaalada Beledwayn ayaa dhawaan waxaa isaga baxaya hay,adii MSF oo gacanta ku haysay isbitaalka magaalada iyadoona maamulka iyo Waxgaradka magaalada ay wadaan sidii uu u xirmi lahayn Isbitaalka .
Dhawaan Hey,adda MSF oo gacanta ku heysay Isbitaalkaasi ayaa gabi ahaanba isaga baxday joojisayna howshii ay halkaasi ka heysay iyadoo mar marsiiyo kadhigatay in magaalada amnigeeda aan la isku haleyn karin.
SDN-Baladweyne