|

Maamulka Heer Gobol iyo Mid Degmo ee Togdheer iyo Burco oo Dhul lagu eedeeyay inay Lunsadeen Garoomo ka dhisaya

Burco 03.Aug 2014 (SDN/QJ)- Maamulka Gobolka Togdheer iyo ka Degmada Burco ayaa  si wada jir ah u dhagax dhigay Laba Garoon oo kuwa Kubada Gacanta ah iyo Dayr wayn oo lagu wareejinayo taalada sheekh Bashiir,Mashaariicdan oo ay hirgalinayso dawlada Hoose ee Magaalada Burco ayaa waxa ka hadlay dhagaxdhigooda Badhasaabka Gobolka Togdheer,Maayarka Magaalada Burco,Ku Xigeenka Maayarka  iyo Xildhibaano ka mid ah Golaha Degaanka Burco.sidoo kalena madaxdani waxay ka jawaabeen eedayn loo soo jeediyay dawlada hoose ee Burco

S2340064-300x168Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo ugu horayn Goobahaas dhagaxdhiga ka hadlaya ayaa yidhi”halkan waxaa loo qoondeeyay oo dawlada hoose ugu talo gashay in laga dhigo garoon Ciyaareed,Dalku sidan ma ahaanayo wax abaynu u qabanaynaa  Burco toban kiiloo mitir oo wado ah oo laamiaga madaxtooyada Hor marta oo kale ah ayaa la samaynayaa,tobankaas wado kharash bay  u baahanyihiin kharashkaas ay u baahanyihiin qayb madaxtooyada ayaa bixinaysa,qaybta kalena markii aanu isla eegnayna,meeshii la odhanjiray iskuulkii siyaad la wayneeyo oo mool wayn oo suuqa laga dhiso,halkaa Booliska iyo Golahaa sheekh bashiir,sadexdaas meeloodba waa la gadayaa oo laba waa suuq oo sidan ay iminkan yihiin si ka bedelan ayaa laga dhigayaa,hargaysa ayaa lala yaabi jiray marka la yidhaahdo shacabka ayaa la iibinayaa waxa baa laga qabanayaa,hindiya laynku siduu ahaa waad garanaysaan ,dalku hadii la yidhaahdo sidaa u yahay waxba laga qaban maayo ma soconayso waa la dhisayaa,oo waa la qurxinayaa hadii aynu lacag u wayno dhulkiisaynu isugu celcelinaynaa.
Maayarka  Burco Maxamed Yuusuf Cabdi(Maxamed Muraad)Maanta waxaynu dhagaxadhigaynaa garoono ciyaareed oo kubada Gacanta oo laba ah si dhalinyaradu ay ku jeestaan oo anana aanu soo dhawayno oo baahiyahooda wax ka qabano,Hawsha la leeyahay Burco baaskit Bool ayaa la iibiyay,maagaladu meel kaliaya ayay lahayd meel kubada gacmeed lagu ciyaaro meeshiina iskuulkaas cabdale nuuri ka dhisanyahay weeye,halkan laga hadlayaa ee la sheegayaa dadka ka hadlayaa waa dad aan Burco garanayn,ee waa hanuunnintii ama santarkii xaafada oo waxa laga xukumi jiray xaafada sheekh bashiir,sheek bashiir taalo ayaa lagu magacaabay taaladiina waxaanu u dhagaxdhigaynaa  in la qurxiyo oo la dayro,ninka shweekh bashiir dan ka lihi halkaas xashiishka aanu uga taag la,anahay ee la dhigayo wax hanagala qabto.
Maayar Ku xigeenka Mgaalada Burco Muxumad Xasan Jaamac(Xoday) oo isaguna goobahaas dhagaxdhiga ka hadlaya ayaa yidhi”Ujeedadayadu waa si isboortiga Gobolku uu u helo jaanis badan waayo goiobtii labaad ee Kubada baaskitka ah ayaanu dhagaxdhigaynaa,markaanu dhamaynona Wasaarada Ciyaaraha ayaanu ku wareejinaynaa,degmadayada inaanu hore u marinaa waxay muhiim u tahay Bulshada
Xildhibaan Rashiid Faarax,Shiine faliidh oo ka mid ah Golaha Degaanka oo iyana goobaha dhagaxdhiga ka hadlaya ayaa sheegay inuu taageersanyahahay wixii Horumar ah isla markaan ay atani tahay wax wanaagasan oo la taabankaro,

Burco SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed