“Maamulka Hawada Somaliland lagama Maamuli karo Somalia iyo Meel Kale toona” Wasiirka Duulista iyo Hawada {DHAGAYSO}
Hargaysa 12.October 2013 (SDN) Wasiirka Wasaarada Duulista iyo hawada ee Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi ayaa Shir Jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xafiiskiisa waxa uu kaga hadlay arrimo ku saabsan Maamulka Hawada Somaliland iyo Somalia isagoo sheegay in aan Hawada Somaliland laga Maamuli karin dalka Somalia iyo Meel kale Toona .
Wasiir Maxamud Xaashi Cabdi waxaa kale oo uu Jawaab ka bixiyay Wasiirka Warfaafinta ee Somalia waxaanu xusay in dawlada Federaalka Somalia looga baahan yahay inay ku dhaqanto qodobadii ay beesha caalamku ku dhex dhexaadisay labada dal.
Guji halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalkii wasiirka duulista
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Wasiirkadulista12(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com