Maamulka Gobolka Togdheer oo ka jawaabay ka Bixistii Hay’ada MSF iyo Wasaarada Caafimaadka oo Cadaysay inay Buuxinayso
Burco 15.Aug 2013 (SDN)- Mas’uuliyiinta Gobolka Togdheer iyo Madaxda Caafimaadka ee Gobolkaasi ayaa maanta Jawaab ka bixiyay dhawaqii ka soo Yeedhay Hay’ada MSF ee ay ku sheegtay inay Joojisay Adeegii ay siin Jirtay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco.
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer iyo Mas’uuliyiinta Caafimaadka ee Gobolkaas oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Maamulka ee Gobolka Togdheer ayaa waxay Si cad ugaga Jawaabeen in ka bixista amase Joojinta Adeegii Hay’ada MSF ay Siin Jirtay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco aanu noqon doonin mid u Joogsada dhawaqa hay’adaasi ka soo baxay iyagoo intaas ku daray in Hawlihii uu Cisbitaalkani bulshada u hayay ay sidiisii u socon doonaan.
Isu duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobalka Togdheer Dr Cabdi Yaasiin Xaaji Ducaale ayaa qorshaha hay’adda MSF ay kaga guurtay cisbitaalka Burco ku tilmamay mid kedis ahaa oo aanay hay?addu hore ula socodsiin guuritaankooda.
Isu duwaha Wasaarada Caafimaadku waxa uu sheegay in Mas’uuliyiinta Caafimaadka iyo Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland ay Go’aansadeen inay sii wadaan hawlihii Cisbitaalka Isla markaana ay Buuxin doonaan doorkii ay Hay’ada MSF ku lahayd Cisbitaalka dhexe ee Magaalada Burco.
Sidoo kale agaasimaha cisbitaalka burco Dr. C.qaadir Muuse muruqliqe ayaa isna sheegay in xukuumadda iyo dhakhaatiirtaba ay ka wada hadleen arintan isla markaasna ay xukuumaddu bixin doonto kharaskii dawooyinka iyo mushaharkii dhakhaatiirta, halka ay dhakhaatiirtuna ka ballan qaadeen inay shaqada waxba ka dhimayn sidii hore.
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji C.laahi Xamarje ayaa ku sifeeyay bayaankii ay soo saartay hay’ada MSF Mid aan tixgelinayn Qadiyada Somaliland isla markaana aan dhawrayn Xuquuqda Gobolka Togdheer .
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer waxa uu ku dooday inaanay u Cuntamayn arrinta ay hay’ada MSF ku sababaysay ka bixitaankeeda oo ah Hagar daamo loo gaystay hawl wadeenada hay’adaas ee shaqeeya Somalia.
Xamarje waxa uu Xusay in MSF ay Hilmaansan tahay in Somaliland tahay qaran madax banaan oo damaanad qaaday Mas’uuliyada amnigooda iyo amaanka Guud ee Hay’adaha Samo falka,Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Wasaarada Caafimaadku ay qaadan doonto doorkii ay hay’ada MSF ku lahayd Gobolka Togdheer.
Waxaa kale oo Halkaasi ka hadlay Maayar xigeenka Magaalada Burco.
Burco SDN.
contact@somalidiasporanews.com