|

Maamulka Gobolka Togdheer oo Isu taagay Wax ka qabashada Shakhsiyaad damac ka hayo inay dhistaan Dhulka Qubuuraha ah

Burco 18.Aug 2013 (SDN)- Maamulka gobolka Togdheer ayaa guddi u saaray xakameynta dhismayaasha ku fidiyaha qabuuraha Burco ee xarunta gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland Axmed Xaaji Cabdullaahi Xamarji ayaa sheegay in maamulku ay sameeyeen guddi ka kooban sagaal xubnood, kuwaas oo loogu talagalay wax ka qabashada dadka doonaya inay deegaamaystaan goobaha dadka lagu aaso.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Burco, Muxumed Xasan Xodey, ayaa isaguna sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii lagu arko iyaga oo guryo ka dhiganaya goobaha dadka lagu aaso ee ku yaalla duleedka degmada Burco.

Xodey ayaa xusay in darbiyo waa-weyn lagu wareejin doono goobaha qabriyada ah ee dadka lagu aaso, si looga hor-tago in la deegaamaysto xabaalaha.

Tani waxa ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo maamulka gobolka Togdheer iyo kan degmada Burco ay sameeyaan guddi loo xil saaray wax ka qabashada dadka deegaamaysanaya goobaha dadka lagu aaso.

Burco SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed