Maamulka gobolka Sh/hoose oo ka hadlay Qarax lala eegtay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda
Marka Dec 03, 2012 (SDN)— Maamulka Shabeelaha hoose ayaa ka warbixiyay Weerar dagaalyahano Shabaab ah ay ku qaadeen gaadiid ay wateen wafdii uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka C/xakiin Xuseen guuleed.
Gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose Cabduqaadir Maxamad Nuur Siidii oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa xaqiijiyay inuu jiro weerarka oo ay waxyeelo ka soo gaartay ciidamo ka tirsan dowlada iyo gawaari ay la hayeen masuuliyiinta la weeraray.
Wuxuu sheegay in masuuliyada weerarka ay Shabaab sheegteen islamar ahaantaana howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxaysa deeganada Buufow iyo shalanbood oo weerarka uu ka dhacay ay ku soo qabteen sadax ruux oo shabaab ka tirsan kana dambeeyay qaraxa fishilmay sida uu hadalka u dhigay.
Gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa ay noqotay goob lagu ugaarsado ciidamada iyo saraakiisha dowlada.
SDN-Mudisho-Somalia