Maamulka gobolka Sh/dhexe oo la kulmay waxgarad ku dhaqay gobolkaasi, kalana hadlay arrimaha Ammaanka
Jowhar Jan 01 2013 (SDN)- Kulamada oo ay la qaateen masuuliyinta maamulka Gobalka Shabeelaha dhexe qaar kamid ah waxgaradka kasoo jeeda beelaha daga Gobalkaasi ayaa waxaa looga hadlay arimaha ammaanka iyo sidii la isaga kaashan lahaa.
Afhayeenka maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe ee Dowladda Soomaaliya Daa’uud Xaaji Ciiro oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ujeedka kulamadaasi ay ahaayeen iska kaashiga dhanka ammaanka ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha dhexe ay wada qaateen kulanka odayaasha iyo waxgaradka Gobalkaasi ayna kawada hadleen arimaha ammaanka iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen kaalinta waxgaradka.
Kulanka maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe uu la qaatay odayaasha iyo waxagardka Gobalkaasi ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli maalin kahor Guddoomiyaha Shabaab ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Sheekh Kaba kudukade uu ku hanjabay inuu la wareegi doono gacan ku haynta Degmada Jowhar.
SDN-Jowhar