|

Maamulka gobolka Mudug oo qalab xafiiseed ku wareejiyay dhalinyarada degmada Galdogob

Gaalkacayo 22.Aug 2013 (SDN)-Maamulka gobolka Mudug ayaa agabka xafiisyada loogu adeego ugu deeqay ururada dhalinyarada degmada Galdogob ee galbeedka gobolka Mudug.

Qalabkan lagu wareejiyay dhalinyarada degmada oo isugu jiray Kombiyuutarro,Printer iyo qalab xafiiseed kala ayaa munaasabad lagu wareejinayay dhalinyarada oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka Mudug waxaa ka qayb galay masuuliyiinta gobolka,kuwa degmada Gaalkacyo,saraakiisha ammaan iyo hogaanka dhalinyarada gobolka Mudug.
Ugu horayn kulanka waxaa ka hadlay duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad, oo sharaxay muhiimadda uu maamulku u leeyahay inuu wax la qabto dhalinyarada firfircoon ee doonaysa inay dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan.
Gudoomiyaha gobolka Mudug oo lahaa fikirka qalab xafiiseedkani lagu siiyay dhalinyarada degmada Galdogob, ayaa dhalinyarada reer Puntland gaar ahaan kuwa degmada Galdogob waxaa uu ku booriyay inay qalabkani ugu adeegaan dadkooda iyo deegaankooda.
Gudoomiyuhu waxaa uu dhalinyarada ku booriyay inay ka fogaadaan fikirka qabiilka, isla markaana ay u soo jeestaan sidii ay u raadin lahaayeen mustaqbal ifaya iyo Soomaalinimo.
A2” Ummad waliba mustaqbalkeeda waa dhalinyaradeeda, marka waxaan idin leeyahay noqda kuwa mustaqbalkooda ka fakara, qaatana wax walboo wanaagsan iskana daaya wixii u keenaya tafaraaruq iyo is-nacayb”, ayuu yiri mudane Tigey.
Gudoomiyaha daladda dhalinyarada gobolka Mudug ee Dudu Mudug Maxamed C/qaadir Cali Cigaal ayaa isaguna dhankiisa munaasabadda hadal kooban oo uu ka jeediyay waxaa uu ku taabtay dhibaatooyinka muddooyinkii danbe la soo gudboonaanayay dhalinyarada Soomaaliyeed.
Qamar Caga-buro, oo ah haweenay hormarka u oloolaysa ayaa iyaduna barnaamijkan ku tilmaamtay mid soo jeedinaya indhaha dhalinyarada Soomalaiyeed, waxayna maamulka ku boorisay inay arimahan noocaan oo kalaa ay sii siyaadiyaan.
Qamar, ayaa dhanka kale ammaan ballaaran u soo jeedisay gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac, oo ay sheegtay inuu yahay masuul waxqabadkiisa ay dareentay.
Abwaan Mahad oo agab xafiiseedkani u guddoomay ururka dhalinyarada degmada Galdogob ayaa soo dhaweeyay talaabadan hormarka leh ee ay ku heleen qalabkaasi, wuxuuna sheegay inay maamulka ka sugayeen kan iyo mid ka badanba.
Ma ahan markii ugu horaysay oo maamulka gobolka Mudug uu qalab ugu deeqo ururada dhalinyarada degmooyinka gobolka, bil ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale maamulku oo qalab ugu deeqay urur dhalinyaro oo ka jira degmada Jariiban.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa u muuqanaya kuwo astaan u eg shaqada uu wado maamulka gobolka Mudug, waxaana soo dhaweeyay dhalinyarada gobolka oo dhan, waana arrin uu qaaday maamulka gobolka Mudug oo qayb ka ah dadaalada dhanka hormarka loo qaaday.
Gaalkacayo SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed