Maamulka Gobolka Maroodijeex oo deeq raashin ah kala wareegay Hay’ad Wadani ah
Hargaysa 26.Sep 2013 (SDN)-Xog hayaha gobolka maroodi jeex md xamse ciise cabdi iyo saraakiil ka socota wasaardda caafimaadka qeybta nafaqo darada caruurta ayaa maanta deeq raashin ah kala wareegay hayadda wadaniga ah ee gar gaar foundation.
Deeqadan oo isagu jirta boorash daqiiq iyo saliid ayaa loo qeybiyay sedsex iyo sodan qoys oo ka diiwaan gashan wasaaradda caafimadka gaar ahaan qeybta nafaqo darada, maunaasibad kooban oo loo sameeyay qeybinta deeqdaasi oo ka qabsoonatay xarunta gobolka maroodi jeex ee magaalada haragaysa ayaa wax aka hadlay xog hayaha gobolka maroodi jeex xamse ciise cabdi kaasoo sheegay in ay hayada uga mahad celinayaan deeqda hayada soo gaadhsiisay islamarkaa ay jiraan dad aad u tiro Abadan oo ku sugan xaalada nafaqo darada kuwaas oo ah caruur yar da da ka yar shanta sano una diiwaan gashan wasaaradda caafimaadka.
Waxaanu intaa ku daray isagoo sheegay in uu ku hadlayo magaca gudoomiyaha gobolka maroodi jeex in ay soo dhawaynayanayaan cid kasta oo agacn ka gaysanaysa taakuleynta dadyoga tabaalaysan ee kuy nool dalka gaar ahaan gobolka maroodi jeex.
Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay ku xigeenka madaxa qeybta nafaqo adarada ee wasaaradda caafimaadka xasan xayle maxamed oo sheegay in raashinkani wax ka tari doono nafaqo darada haysata caruurta ka yar dad a shanta sano waxaanu intaa ku daray in wasaaradda caafimaadku ay dadaal ugu jirto sidii loo daryeeli lahaa caruurtaasi iyo cid kasta oou baahan garagaar caafimaad waxaanu gabagabadii ku amaanay hayada wadaniga ah ee gar gaar foundation deeqda aysoo gaadhsiiyeen
Wasarada. gabagabdii waxa halkaasi ka hadlay agasimaha horumarinata mashaariicada hayadda wadaaniga ah ee gar gaar cabdilaahi cabdi cilmi oom faah faahin ka bixiyay wax qabadka hayadan oo u tilmaamay in ay u gar gaarto dadyoga u baahan taakulaynta eek u nool gobolada Somaliland islamarkaa deeq noocan oo kala ahna ay kasoo qeybiyeen lix xarumood oo ka tirsan shanta degmo ee caasimada kuwaasoo ay usoo qeybiyeen dad tiradoodu ay dhan tahay 300 qoysa isagoo u mahad celiyay masuuliyiinta gobolka maroodi jeex iyo wasaarada caafimaaadka sida ay ula shaqeeyeen .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com