|

Maamulka Gobolka Gebilay oo Baa’biyay Dhul daaqsimeed Si Sharci daro ah loo ootay

Arabsiyo 21.June 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Gebilay oo ay Weheliyaan Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo iyo Isu duwayaasha Wasaaradaha Beeraha iyo Deegaanka ee Gobolka Gebilay ayaa Maanta Hawl gal balaadhan ka sameeyay Dhul daaqsimeed ku yaala Waqooyiga Degmada Arabsiyo.

 

GubaDhul daaqeenkan oo ah Dhul Buuralay ah oo  Xooluhu daaqi Jireen Isla maraana Si sharci daro ah loo ootay ayaa Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo C.laahi Cabdi Faarax waxa uu sheegay inay ku guulaysteen Hawl galkaas oo ay baa’biyeen Seerayaashaas iyagoo Kaashanaya sida uu Xusay Ciidanka Booliska.

 

Waxa uu Gudoomiyuhu Sheegay oo kale inay ku sii daayeen Xoolihii, Isagoo intaas ku daray inaanay hawl galkaas wax dhibaato ah  aanay kala kulmin isla markaana ay si balaadhan u soo dhaweeyeen odayaasha iyo bulshada ku dhaqan Deegaankaasi.

Arabsiyo SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed