|

Maamulka gobolka Bakool oo faah faahin ka bixiyay dagaalo ka dhacay gobolkaasi

Xudur Dec 25 2012 (SDN)— Maamulka Dowladda ee Gobalka Bakool ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Bakool.

Guddoomiyaha Gobalka Bakool Maxamed Cali oo la hadlay Qurbejoog.com ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar dagaal kusoo qaadeen meel 15-km ujirta Degmada Xudur ee Gobalkaasi.

Maxamed Macalin ayaa wuxuu sheegay in Shabaabka dagaalka soo qaaday ay gaarsiiyeen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacba.

Dagaalka Shabaab ayuu sheegay inuu yahay mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah islamarkaana weeraro yar yar ay kusoo qaadeen goobaha ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka joogaan Gobalkaasi.

Ammaanka Gobalka Bakool ayaa wuxuu sheegay inuu yahay mid wanaagsan islamarkaana aysan jirin dhibaato ka taagan dhanka ammaanka ee Gobalka Bakool.

Al-Shabaab ilaa iyo iminka kama soo bixin war ku aadan guulaha maamulka Dowladda ee Gobalka Bakool uu ka sheegtay dagaalkaasi.

Xudur-SDN

Comments are closed