Maamulka Dekedda Berbera oo Beeniyey War Laga Baahiyey Shirkadda Shidaal-qodista ka wadday Somaliland ee Genel Energy
Berbera:11-Oct-2013(SDN)-Maamulka Dekedda Berbera oo uu Weheliyo Guddoonka Kastamka Berbera ayaa waxba kama jiraan ka dhigay war qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland ay ka qoreen shirkaddii shidaal-qodista ka wadday meelo ka mid ah dhulka.
Shirkaddan Genel Energy oo muddo ka hor joojisay baadhitaanka shidaalka ayaa haatan bilowday inay qalabkeedii la baxdo, waxana lagu eedeeyey inay macdan badan oo ay waddanka ka qaateen ku xaraysteen Koontiinarro ay ka dhoofinayeen dekedda Berbera.
Arrintan ayaa waxa waxba ka jiraan ku sheegay Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor xoor iyo Maamulaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan, waxana ay sheegeen inaanay jirin wax qalab ah oo shirkadda Genel Energy ka qaadatay Somaliland.
War-saxaafadeed ay maamulkani soo saareen oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakadda wararka ee Qurbejoog.com ayaa u dhignaa sidatan:
Ujeedo: – Beenin war ka soo baxay qaar ka mida warbaahinta dalka:
Waxaan halkan jawaab shaafi ah kaga bixinaynaa war aan jirin oo lagu baahiyey qaar ka mid ah wargaysyada iyo websiteyada. Kaas oo sheegay in shirkada shiidaalka sahaminaysa ee Genel Energy, ay dhagaxaan macdan ah container ku soo gurtay, dekedana ka dhoofineyso,hadaba waxaan halkan ku cadaynaynaa in in aanay warkaas waxba ka jirin; wax macdan ah oo dekeda la soo galiyey 1 gram na ha ahaatee anaay jirin.
Hadaba waxay shirkada Genel Energy sifo sharci ah ugala soo degtay garoonka diyaaradaha Berbera 27, March,2013 iyo 21,August,2013 alaabta magaceedu yahay geophsical survey eqiupment alaabtaas oo qayb ka mid ah ay codsadeen inay ceshadaan, sifo sharci ahna loogu ogolaaday dib u celinteeda, markii dekeda ay soo galayeena nidaamkii baadhista iyo hubinta la mariyay iyada oo dhamaan haydaha Dekeda, kastamka iyo boolis-kuba ay goob jog ka ahaayeen baadhistaas.
Sidaa darted, waxaan ka xunahay warkan been abuurka ah ee laga baahiyay shirkada wadanka u timid una joogta baadhista iyo soo saarka khayraadka dalka, waxa kale oo aanu ka xunahay been abuurka kale ee lagula dul dhacay hay’adaha dawliga ah ee dekeda, kastamka iyo ciidanka booliska oo u adeega ilaalinta sharci ee dhoofka iyo soo dejinta badeecadaha.
Ugu danbayn waxan ka codsanaynaa saxaafada xorta ah baahinta wararka noocan ah.
En. Cali Cumer Maxamed
Maareyaha Guud Dekedda
Berbera
Maxamed Cabdi Gurxan
Maamulaha Kastamka
Berbera
Maxamed Dacar Ibraahim
Taliyaha saldhiga dekeda
S.D.N
Contac@somalidiasporanews.com