|

Maamulka degmada Gaalkacyo ee Puntland oo deeq siiyay qoysas barakacay

Gaalkacayo 27.Aug 2013 (SDN)- Maamulka degmada Gaalkacyo ee Puntland oo kaashanaya ganacsatada degmada ayaa maanta deeq isugu jirta raashiin iyo bacaha roobka laga galo wuxuu gaarsiiyay 80 qoys oo ku aqal beelay dab shalay ka kacay xerada Buulo-Koontarool oo ku taalla magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo1-300x225Duqa degmada Gaalkacyo ee Puntland Axmed Cali Salaad ayaa sheegay in deeqda ay isugu jirtay bur, bariis, sonkor, saliid, timir iyo bacaha roobka.

Wuxuu ugu baaqay hay’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan hay’adda UNHCR ee ku sugan magaalada Gaalkacyo in ay kaalmo u fidiso dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada.

Qaar ka mid ah qoysaska deeqda la gaarsiiyay ayaa u mahadceliyay maamulka degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo ganacsatada deeqda gaarsiiyay, iyagoo sheegay in kaalmadan aysan dabooli karin baahidooda.

150 aqal oo ku yaallay xerada barakacaayasha Buulo-Koontarool ee magaalada Gaalkacyo ayaa ku baaba’ay dab shalay gelinkii dambe ka kacay xerada.

Gaalkacayo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed