Maamulka Awdal oo Ka Muraara-dillaacay Hoobiyeyaashii Laga Soo Qabtay Magaaladda Boorama
Boorama Nov 01,2012(SDN/Hubaal)-Baadhasaabka gobolka Awdal Md. Axmed Cabdi Sidci ayaa difaacay hubkii taliska booliska Somaliland Dorraad saxaafadda u soo bandhigay ee lagu sheegay in laga soo qabtay guri ku yaalla Magaalada Boorama. Hubkan oo ka koobnaa Laba boqol oo Hoobiye, Miinooyin, qarxiyeyaal iyo walxo kale ayaa Salaasadii aynu soo dhaafnay Warbaahinta loo soo bandigay iyadoo taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan sheegay inay ku soo qabteen hawl gal ay ciidammadda Booliska oo kaashanaya qaybta Miinooyinku ku daba socdeen hubkan gacanta ku dhigeen.
Haddaba hubkaas oo bulshada Somaliland ee gudaha iyo dibedda dalka ku dhaqani ka fajaceen halistooda ayaa Baadhasaabka gobolka Awdal Axmed Cabdi Sidci uu Deedifeeyey in hubkaasi yahay mid lagu soo qabtay daba gal Boolisku wadeen, isagoo ku dooday in uu ahaa mid Xukuumad ahaan ay ka war qabeen guriga uu yaalay iyo muddada uu ku keydsanaaba.
Baadhasaabku waxa uu sheegay in Bandhigii Boolisku warbaahinta ugu soo bandhigay Hubkaas ay u muuqato mid decaayad ah oo lagaga been abuuray, isagoo qiray jirintaanka hubkaas iyo halka uu yaallayba, “Way Jirtaa In Boorama lagu qabtay Hoobiyeyaal iyo Miinooyin iyo qarxiyeyaal waaweyn, TV-gana dadka qaarkood laga tusay,arrintaas oo aad iyo aad fajac iyo argagaxiso ugu riday gobolka, meelo fara badan oo dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ahna nalaga soo waraysanayo. Arrintaas ayaan doonayaa inay siday ahayd uga hadlo.” Sidaa ayuu yidhi Md. Sidci oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama isaga oo daba socda hadalkii Taliyaha Boolisku ka sheegay soo qabashadooda.
Waxanu waxba kama jiraan ku tilmaamay qabashada hubkan. “Runtii hubkani ma ahayn mid la soo qabtay oo aan la ogayn, waxa uu ahaa hub yaalay guri, gurigaasna la ogyahay cidda haysay illaa muddo dheerna la ogaa xilligii dawladdii hore ee Madaxweyne Riyaale oo ahayd marwo uu qabi jiray nin gaashaanle sare ahi oo la odhan jiray Cabdi Nuur, waxaanay hubkani ahaayeen kuwo guriga yaalla oo lagu ogyahay, dawladdii horena gabadhani way la xidhiidhay oo talisku waa uu ogaa, waxaana sida la ii sheegay loo ballan sanaa in dawladda lagu wareejiyo, iyagana (gabadha iyo qolada haysay) la siiyo wixii xafidaadooda ah, waqti dheer baase ay qaadatay.” Ayuu yidhi baadhasaabku.
Mr. Axmed Cabdi Sidci waxa uu wax laga xumaado ku tilaamay in Saxaafadda loo soo bandhigo Hubkan, isagoo ku sifeeyey mid meel ka dhac ku noqonaysa sharaftooda iyo tan gobolka ay masuuliyadiisa hayaanba, “Maanta oo waqti olole aynu ku jirno oo nabadgelyadu aad u fiican tahay, anigoo ixtiraamaya taliska guud ee Ciidanka booliska haddana in wixii looga soo daayo TV-ga qaab ay dawladdu u dhigtay in uu yahay hub la daba socday oo la haystay oo lagu soo tilmaamay in cadawgii laga soo qabtay, kuwaas oo muddo dheer la daba taagnaa, runtii arrintaasi waxa ay u muuqataa inaanay ahayn nidaamkii booliska ee waxa ay noqonaysaa innagoo is decaayadaynay.
Hubkaas waa la ogaa isagoo meel ku xaraysan, gabadha haysaana ciidanka booliska qaybta miinooyinka ayay ka mid ahayd. Markaa waxan dadweynaha reer Somaliland iyo cidii kale ee ay khusaysaba u cadaynayaa inayna waxaasi ahayn wax cadaw gacantiisa ku jiray, anigoo gaar ahaan dadka reer Awdal raali gelin ka siinaya inaanay ahayn wax aan la ogayn oo immikuun lala kulmay, balse la ogaa oo meel ammaan ah ku keydsanaa. Markaa waxaan ogaysiinayaa Saxaafaddana runtii in ay sidaa aan sheegay arrintu ahayd.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay guddoomiyaha gobolka Awdal Md. Axmed Cadbi Sidci .