|

Maamulaha Madaarka Hargaysa oo Beeniyay In Madaarka Caasimada aan Waxba laga qaban,Aflagaadana kula kacay Wargayska Hubaal

Hargaysa 21.Aug 2013 (SDN)- Maamulaha Madaarka Hargeysa Abdillaahi Qaasim Obsiiye ayaa Qoraal uu Maanta soo saaray ku beeniyay War Sheegaya in Madaarka Caasimada oo uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Xadhiga ka jaray aan wax la taaban karo laga qaban.

Warsaxaafadeedka Maamulaha ayaa u dhignaa Sidan:- Waxaanu si mugleh u beeninaynaa war maanta ku soo baxay wargeyska Hubaal, kaasoo lagu sheegay in Madaarka Hargeysa aan waxba laga qaban, sidoo kalena dib loo xidhay warkaasoo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn.

Wuxuu wargeyska Hubaal oo ah mid caadaystey wararka been abuurka ah been mooyaane aan run looga baran, habeen iyo maalina uu u taagan yahay aflagaataynta madaxda qaranka iyo un uu been ka sheego, taasina waxay sal u tahay aqoon la’aanta, akhlaaqa xumada iyo birmaygeydo la’aanta masuuliyiinta wargeysa Hubaal.

Sida la wada ogyahay laba cisho ka hor ayuu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, cafsi u fidiyey masuuliyiinta wargeysa Hubaal, sidoo kalena uu u fasaxay wargeyska oo maxkamada gobolka Hargeysa Xayiraad saartay, ka dib markii ay ku keceen falal fool xun oo ka dhan ah qaranimada Somaliland, ayna ku cadaatay in ay denbiilayaal yihiin.

Waxaanu ku celinaynaa in aan waxba ka jirin warka uu qoray wargeyska fidninada ah ee Hubaal, bulshada ay markhaati ka tahay dhamaystirka madaarka iyo sida looga dhigay madaar la mid ah kuwa aduunka, ayna ka soo wada degayaan diyaarada adduunka isaga gooshaya.

Madaarka-2Waxaanu bulshada u sheegaynaa in madaarkii furan yahay diyaaradii madaarka Berbera ka degi jireyna ay u soo wareegayaan madaarka caalamiha ah ee Igaal International Airpor, waxbana kama jiraan warkaa been abuurka ah ee wargeyska hubaal, kaasoo ee been kagaga sheegay masuuliyiinta Wasaarada iyo kuwa diyaaradaha.

Shacabka waxaanu leenahay beenta oo caadaystey wargeyska Hubaal ha dhegaysanina, wararka qayrul masuulnimada ah ee uu faafinayo wargeyskaasi, waana wargeys  ka xun guulaha waxqad ee ka hirgalay madaarka caalamiga ah ee Igal, taasoo ay hirgelisay Wasaarada Duulista oo xukuumadda madaxweyne Siillaanyo wakiil uga ah horuumarinta madaarada Somaliland.

Hargaysa SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed