|

Maamulada Is Diidan Oo Somaliya Ku Soo Badana Iyo Magaladda Baydhabo Oo Uu Maanta Ka Dhacay Banaan Bax Ka Dhan Heshiiskii Midaynta Maamulada Koonfurta Somaliya

baydhabo-4-1Hargaysa:25,June,2014(SDN/QJ)-Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dibad bax aad u balaadhan ay kasoo qeyb galeen boqolaal dadweyne oo kasoo horjeeday Heshiis la sheegay in lagu mideeyay Maamuladii Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaa oo maalin kahor lagu saxiixay Xarunta Madaxtooyada Somaliya.

Dibad baxa maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu Hogaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed, waxaana ka qeyb galay dibad baxaasi hadalana ka jeediyay Masuuliyiin katirsan Maamulka Koonfur Galbeed .

Dadka dibad baxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay hadalo lidi ku ah Heshiiskii ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo la sheegay in lagu mideeyay Maamuladii Koonfur Galbeed Soomaaliya ayna Dowladu ku aqoonsaday Maamul Saddex Gobol ka kooban oo loogu magac daray Koonfur Galbeed.

Shacabka Magaalada Baydhabo qaarkood oo dibad baxa ka hadlay ayaa sheegay in marnaba aysan aqoonsanayn Maamulka Sadaxda Gobol ay Dowladu aqoonsatay.

Si kasta ba ahaatee waxa Xalay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Shir deg deg ah isku yeedhay Golahahiisa Wasiirada.kulankaas oo u muuqday mid laga arsinsanayo Habka loo waajahayo Xiisadaha ka soo  kordhay Maamulada is Diidan ee lagaga dhawaaqay Gobolada Koonfureed ee Somaliya.

Arintan ayaa mar kale dibada u soo saaraysa Tamar daraanta Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud,oo Caalamku Aqoonsi Maqaar Saar ah Siisay.

SDN/QJ-Baydhabo

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed