MAAMUL-TAKOORKA GOBOLKA HIIRAAN WAA IN LAGA DHIIDHIYO
Qeybta labaad
Maamul-takoorka Gobolka Hiiraan, maaha mid la kowsaday Sebenkan Qaran-jabka ee Abwaanku ku sifeeyey ‘Halaaggii dhacay looma kala harin’,haseyeeshee Gobolku waxa uu ka mid ahaa Saddax Gobol (G/Waqooyi Galbeed, G/Bari, Hiiraan) oo Xukuumaddii Marxuum Maxamed Siyaad Barre u diidday inay u ballaariso, sidii ay lixda kaleba ka yeeshay, sababta lama oga.
Waa haboonaan laheyd, haddii Shaqsiyaadkii Gobolka wakiilka uga ahaa Xukuumaddaas ee weli nool, ay wax noo bidhaamiyaan ama Somaaligii kale ee xogtaa ku tabaruci kara. Labada kale waxay naawilaan Qaranimo u gaara, Hiiraanow riyadaadu maxay tahay, mise maba riyootid. Waxan hubaa in la riyoodo, inay ka horreyso in horta la Hurdo. Hiiraan ma Hurdo.
Jahwareer Bulsho iyo Siyaasadeed
Hiiraan waxa ka jira jahwareer Bulsho iyo mid siyaasadeed oo haddii aad Akhristow la socotay Maqaalkan qeybtiisii kowaad, aan aad ugu faahfaahiyey, waana labadan arrimood kuwa u baahan in la xallilo, lana iftiimiyo wadiiqadii lagu xallin lahaa.
Hubaal weeye, in Waxgaradka iyo Aqoon-yahanka Hiiraan uu talooyin badan oo wax ku oola soo bandhigay goor hore, tu kale oo lagu soo biiriyaana inayan wax badan soo kordhineyn, waa iska caddahay, haddii aan la helin koox is-abaabusha oo talooyinkaas ficil u baddasha, saas oy tahayse, weli waxan rajo ka qabaa, in reer Hiiraan u kici karaan Shaqsiyaad halka uu Hiiraan yaal ka qaada, hirgelisana Talooyinka la soo jeedinayo, gaara ahaan Waxgaradka, Dhalinyarada iyo Ganacsatada.
Wadiiqadan ma tijaabinnaa
Sida aan Maqaalkii hore ku soo tilmaamay, Hiiraan waa Gobol buuxin kara cunsurrada looga baahan yahay ama lagu dhisan karo Dowlad-Goboleed, haseyeeshe, waxa loo baahan in daraasad rasmi laga soo uruuriyo is-ku-filnaanshaha Gobolka , kadibna lagula doodo Dowladda in Gobolka lagu dhaqo sharci gaara oo u oggolaada inuu iskii u noqon karo Dowlad-Goboleed ama loo ballaariyo laba ama saddax.
Waxan soo jeedinayaa in:
1. In la abuuro Gole Sharci, Dhaqaale, Bulsho-yaqaanno iyo Waxgarad ka kooban oo Dowladda culeys ku saara in Gobolku iskii isu taago ama laba Gobol noqdo, iskuna hubeeya macluumaad kasta (Dhaqaalaha, Siyaasadda, Bulshada, Tirada Dadaka, Magaalooyinka iyo Tuulooyinka,Joqaraafiga, Taariikhda iyo Xuduudaha) oo caddeyn waadaxa ka bixinaya waxa lagu doodayo.
2. In la xoojiyo Golaha dhaqan ee hadda jira, loona duwo dardar-gelinta Nabadeynta Bulshada, laguna hubeeyo macluumaadka Diineed iyo Dhaqan ee ka hadla muhimadda Wada-jirka, Is-garabsiga, Is-qaddarinta,Is-cafinta, Isu-sabarka iyo Isla noolaansha Bulsho meel wada degta.
3. In la sameeyo Guddi dhaqaale-uruurin oo Ganacsatada waaweyni hormuud ka yihiin oo Shaqsi kasta oo reer Hiiraan ah awooddiisa Dhaqaale qaaraan ugu qoondeeya, si aan loogu baahan kuwa qeybta ka ah mushkilada Dalkan ee loogu yeero Samo-falayaasha Caalamiga iyo Maxalliga, weli arrin ay maamuleen oo natiijo fiican laga dhaxlo lama arag, Ummaddan shaqo ku nool aheyd, ayey tuugsi ku nool ka dhigeen.
4. In la abuuro Gole Dhaliyaro oo howshoodu ay noqoto wacyi-gelin midnimo hal-ku-dheg u tahay, iyadoo la adeegsanayo Bogagga kulanka sida Facebook-ga iyo Tuwiterka.
5. In culeys la saaro Siyaasiga reer Hiiraan ee maanta, si uu u dareemo mas’uuliyadda cidda uu wakiil ka yahay, ka aan dareeminna la go’doomiyo, midnimana lagu sandulleeyo, si looga hortago mucaaradada dhexdooda ah ee aad uga soo muuqata Golayaasha ay ka wada tirsan yihiin ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka.
6. In deg deg loo abuuro Gole Gabdhaha reer Hiiraan ay leeyihiin oo facaala, si looga faa’ideysto awooddooda Aqooneed, Dhaqaale iyo Dhaqanba.
7. In ugu dambeyntii la abuuro Gole Isgaarsiineed-Warbaahineed oo ka hortaga dacaayada liddiga ku ah Gobolka, isla markaana qeyb ka qaata wacyigelinta iyo isu-dumidda Bulshada, iyagoo adeegsanaya Isgaarsiinta reer Hiiraan ee hadda jirta iyo kuwa ee gaarka loo leeyahay.
Waxa nasiibdarro ah in Isgaarsiinta reer Hiiraan ay leeyihiin qaarkood, xil iska saarin Mas’uuliyadda Gobolku ku leeyahay oo mararka qaarna diida inay daabacaan Qoraallo wacyi gelinta wax ka tari lahaa.
Warbaahinta badanaa uu ficilkaasi ka soo muuqdo, waxa ugu horreeya Hiiraanonline oo isu heysata inuu khadka ka baxayo haddii lagu arko macluumaad Gobolka ka hadlaya, ceebna ay tahay in lagaba hadlo Gobolka. Rajo waxan ka qabaa in saaxibkey garto waxa reer Hiiraan badan oo la mid ahi ay garteen. Ammaan baan halkan uga jeedinayaa webside-ka Hiiraannet.con oo runtii doorkiisa qaata.
Waxan rajeynayaa in Maqaalkani xalka wax ku biirin doono.
Qormadii: Nuur Cilmi Xalane
Email: warsan54@gmail.com