|

Maamul-Gobolleedka Puntland Oo Qiimo Gaar Ah U Samaysay Sarrifka Lacagta Dollarka & Xukuumadda Somaliland Oo Ku Daawanaysa Shacabka La Il-daran Duruufaha Is-biirsaday

Boosaaso, 23 Jeeniweri, 2017-(SDN/QJ): – Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa go’aan ka gaadhay sarifka lacagta doolarka, kadib kulan ballaadhan oo ka dhacay magaalaada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka gobolka Bari, Wasiirka maaliyadda Puntland iyo ganacsatada magaalada.

Waxaa kulanka lagu go’aamiyay in sarifka lacagta dolarka ah laga dhigo gacanta hore boqolkii doolar laba milyan iyo afar boqol oo kun ($2,400,000 ), halka gacanta dambena laga dhigay  in lagu beddelo laba milyan iyo shan boqol oo kun ($2,500,000).

Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Puntland Yuusuf Maxamad Waceys (Dhedo) oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in sariflihii aan fulin amarka in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Ganacsade Aadan-Doolar oo ku hadlayay Magaca Ganacsatada, ayaa sheegay in ay u hoggaansami doonaan amarka soo baxay, isla-markanaa fulinayaan.

Wasiirka maaliyadda Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmad, ayaa sheegay in dhammaan gobollada Puntland uu ka hirgelayo amarkan ku saabsan sarifka lacagta dollarka.

Markii Go’aankani soo baxay waxa Xabsiga la dhigay oo la xidh-xidhay laba ka mid ah Ganacsatada Sarrifka, kuwaasi oo diiday inay fuliyaan Go’aanka uu soo saaray Maamulka Puntland.

Go’aanka Puntland ka soo saartay Sicir-bararka Qiimaha Sarrifka Dollarka, ayaa la doonayaa in lagu xakameeyo Qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga ah, maaddaama oo kor u kaca Doollarku uu saamayn weyn ku leeyahay Qiimaha Maceeshadda.

Tallaabada Puntland qaadday, ayaa ku soo beegmaysa Xilli Xukuumadda Somaliland iyo Baanka dhexe aanay wax Go’aan ah ka soo saarin Sicir-bararka Doollarka, kaasi oo gaadhay meel aanu hore u gaadhin.

Boqolka Doollar ayaa Shan Sannadood ka hor lagu sarrifayey 650,000 oo shilinka Somaliland ah, laakiin wuxuu hadda gaadhay 850,000 doollar, halka marka Qofku uu Shilinka sito ee uu Doollar doonayo Boqolka Doollar lagaga iibinayo 870,000.

Qiimo korodhka Sarifka Doollarka oo Dadweynaha Somaliland si aad ah uga qayliyeen, ayaan Xukuumaddu Toddobaadkii hore sheegtay inay baadhayso sababaha keenay in Sicir-bararkiisa.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Cumar Shucayb Maxamed oo la waydiiyey sababta ay Xukuumaddu wax uga qaban la’dahay Sarrifka Doollarka, ayaa ku jawaabay, “Waddanka Abaaro ayaa ka jira, Xoolihii ayaa la yara joojiyey, Runtii waxyaabahaas oo dhami saamayn bay ku leeyihiin, wixii kale ee Male-awaal ah ee saamayn ku leh xaq-baa innaga saaran inaynu qabano oo aynu ka joojino, markaa Toddobaadkan ayaanu War-bixin aanu ku lafa-gureyno waxa Saldhigga u ah Sarrifkan iska kacaya ee aan Macnaha-weyn ku dhisnayn ka soo saareynaa.” Ayuu yidhi, Wasiir Shucayb oo 15-kii bishan u warramayey Telefiishanka STAR, waxaanu intaa ku daray, “Annaga Wasaarad ahaan ta na khuseysaa waxay tahay Marka Maceeshaddu kacdo, markaa waxaanu u dirnay Koox qaabilsanaa inay ka war-hayaan Maceeshadda iyo waxa isbeddelaya, markaa kormeerkii weli muu soo dhamaanin, waxaanuna doonaynaa inaanu ogaano waxa Gun-dhigga u ah ee kicinaya Sicir-bararka. Wasaaradda Maaliyadda, Baanka dhexe iyo Wasaaradda Ganacsiguba hawshaa way ku hawlan yihiin, dhawaana waxaad arki doontaan war-bixin laga soo saaro, waxaana naga go’an in si dhab ah wax looga qabto.”

Laakiin, illaa hadda Xukuumaddu War-bixin kama soo saarin isla-markaana waxba kama qabanin Qiimaha Sarrifka Dollarka oo weli kor u socda.

Comments are closed