Maamul Goboleedka Puntland oo ka Hadlay Qabsashada Somaliland ee Degmada Taleex
Garowe 15.April 2014 (SDN)- Shir Deg deg ah oo ay gollaha wasiiradda Puntland ku yeesheen magalada Garowe ayaa waxay go’aan qodobaysan kasoo saareen qabsashada ciidamada Somaliland ee magalada Taleex.
Qodobada kasoo baxay shirka wasiiradda oo ka dhacay madaxtooyadda Garowe ayaa waxaa warbaahinta u akhriyay wasiirka warfaafinta Puntaldn Cabdiwali Xirsi Indho-guran wuxuna sheegay inay ka xun yihiin arrinta Taleex ka dhacday.
Ilaa afar qodob ayaa kasoo baxay shirka waxana diirrada lagu saaray xalada iyo dhul balaarsi ay Somaliland ka wado deegaano ka tirsan Gobalada Sool iyo Sanaag.
”dowladda Puntland waxay si kulul u canbaraynaysaa xad gudubka qaawan ee mamulka Somaliland,waxayna uga digaysaa mamulka Siilaanyo cawaaqib xumada uga imaan karta gardarada ee ay cadaysteen”Indhoguran ayaa yiri.
Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay dhaq-dhaaqa ay Somaliland inay samayso inuu mid kaa la mid ah ay sameeyeen dagaal yahanadda kooxda Alshabab oo ay Puntland horay ugu eedaysay Somalilnad inuu xiriir wada shaqayneed ka dhaxeeyo.
Xaalada magalada Taleex ayaa la sheegayaa inay caawa kacsan tahay walow ciidan faro badan oo Somaliland ka socda lagu dhex arkaya bartamaha magalada Taleex.
Cidankan qabsaday Taleex ayaa maalmihii ugu danbeeyay isku sii fidinayay deegaano u dhaxeeya xudur iyo Taleex.
Taliyaha ciidanka Somaliland ayaa soo dhaweeyay in ciidanka Somaliland ay gacanta ku dhigaan magalada Taleex.
Dhowaan ayay ahayd markii socdaal uu ku tagay magalada Laasqoray madaxwaynaha Somaliland ee Siilaanyo.
Garowe SDN.
Contact@Qurbejoog.com