Maamul Goboleedka Punt land oo sheegay inay Hanan doonaan Gobolada Sool iyo Sanaag
Garowe 28.June 2014 (SDN/QJ)- Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Ing, Camey ayaa Khudbad uu ka Jeediyay munaasabad lagu maamuusayay maalinta 26-ka ee ay xurnimada qaateen gobolada Waqooyi ayaa sheegay dowladda Puntland inay si rasmi ah ugu bareeridoonto inay soo ceshato dhulkeeda ka maqan. .
Madaxweyne ku xigeenka ayaa shacab reer puntland cod dheer ugu sheegay in ay qeexan tahay siyaada puntland ee gobolada Sool Sanaag iyo Ceyn ,Wuxuuna cadeeyay inaysan mar dambe cambaarayndoonin xadgudubka ay wado Soomaaliland
Camey wuxuu sheegay inay fulinayaan balanqaadkii madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas xilliga murashaxnimadiisa, kaas oo ahaa inaan duco lagu qabsan dhulka Puntland ka maqan islamarkaana aan duco lagusoo celindoonin.
C/xakiin wuxuu sheegay inay dowladda iyo shacabkeeda siyaasad aan mugdi ku jirin ka leeyihiin inay dib ugu noqdaan dhulkooda gardarada lagu qabsaday waxaana intaasi raaciyay in ay ka dhabeyn doonaan soo celinta dhulka maqan
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com