Maamul Goboleedka Punt land oo Beesha Caalamka ka Dacweeyay Talaabadii Ciidamada Somaliland ku tageen Taleex
Garowe 13.June 2014 (SDN/QJ)- Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa lagu muujiyay in ashtako laga yahay mamulka Somaliland oo tobanka bishaan duulaan kusoo qaaday Degmooyinka Xingalool iyo Taleex.
Afar qodob oo uu ka koobnaa qoralkan ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan Puntland u dulqaadan doonin weerarada iyo duulaanka qaawan ee dhanka Somaliland ka imaanaya kasoo fursad siinaya kooxda Alshabab oo buuraha Galgala ka dagaalama.
”Waxay dawladda Puntland la socod siineysaa beesha caalamka in maamulka Somaaliland uu duulaan qaawan ku soo qaadey 10 june, 2014 degmooyinka Taleex iyo Xingalool oo ka tirsan dhulka Puntland”.
Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in duulaanka Somaliland ay ku barakaceen qoysas Soomaliyeed oo deganaa Taleex iyo Xingagool balse Masuul ka tirsan saraakiisha Somaliland oo maanta BBC la hadlay ayaa sheegay inaysan raali ka noqon doonin in shir lagu qabto xaduudaha Somalilnad.
Xildhibaan Cali Khaliif Galayr iyo siyaasiyiin kale oo Taleex ku sugnaa ayaa saakadii hore ka baxay waxayna ku sugan yihiin sida goobjooge Taleex jooga sheegay 80-Km meel u jirta degmada.
Xalada Taleex ayaa wali kacsan ma jirto ilaa iyo hada cid gacanta ku haysa maadama ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin meel saddex KM u jirta Taleex.
15-ka bishii April ayay ahayd markii ciidamo Somaliland ka socda ay soo galeen gudaha magalada Taleex iyadoona aysan wax isku dhici ahi uusan ka dhicin halkaasi isla markasna ay markii danbe deegaanka isaga baxeen.
Taariikhda markii ugu horaysay ayay ahayd markii madaxwayne Somaliland ah uu socdaal ku tago magalada Laasqoray .
Dr.Gaas oo doorashada ku galay in Laascaanood uu dagaal kusoo celinayo ayaa hada u muuqda inuu ku guul daraystay inuu wax ka qabto duulaanka lagu soo qaaday deegaano hor leh oo dhulka Puntland ka tirsan.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com