|

Maalintii Sadexaad oo Gobolka Awdal ay ka socoto Hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Iyo Loolanka Xisbiyadda Siyaasadda DAAWO

Boorama 15. February 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici,Hogaanka Sadexdda Xisbi qaran iyo Mas’uuliyiinta Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa soo Kormeeray Deegaamo door ah oo ka Tirsan Goboladda Awdal iyo Salal oo ay ka socoto hawsha diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Waxa uu Kormeer ku soo Maray Jiido door ah oo hoos taga Degmadda Baki Waxaanu dadweynaha ku baraarujiyey inay qaataan Kaadhka Codbixinta si marka la gaadho Xiliga doorashooyinku dalka ka dhacayaan ay ugu codeeyaan Cidii ay u arkaan inay dalka iyo dadkaba horumar gaadhsiinayso.
Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Mas’uuliyiin kale oo Wehelisa ayaa Kormeer ku soo maray Goobo badan oo ay si habsami leh uga socoto hawl galka qaran ee diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.
Dhanka kalena Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa iyana Kormeer ku soo maray deegaamo ka tirsan Gobolka Awdal halka Sidoo kalena Madax ka tirsan Xisbiga Ucid ay iyana Kormeer ku tageen Magaalooyin ka tirsan Gobolkaasi.
Dhamaanba Madaxdda Xukuumadda,Xisbiyadda Qaranka Iyo Komiishanka Doorashooyinka ayaa dadweynaha gaadhsiinayay fariin ku wajahan sidii ay u qaadan lahaayeen Kaadhka Codbixinta isla markaana ay dhan uga soo wada jeedi lahaayeen Wax kasta oo dhaawaci kara Hannaanka Suuban ee ay u socoto Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu.


Comments are closed