Maalinta Sabtida oo isha lagu hayo Baarlamanka Somaliland iyo waxa dhici kara
Hargeysa. 23 September, 2022. (QJ)- Maalinta Sabtida ee berri ah waxa si wayn isha loogu hayaa oo loo dheg taagayaa waxa kasoo baxa kal fadhiga berri ee Golaha Wakiilada Somaliland, kaas oo ay iskugu iman doonaan Xildhibaano kala wata ajandayaal kala fog oo isku lid ah.
Xildhibaanada qaar ayaa wata mooshin ka dhan ah gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyadoo sida xogta aanu ku helnay ay wadaan qorshe ay wax ka badal ku samaynayaan cidda ama tirada xildhibaanada gudoomiyaha xilka ka qaadi karta, intaa kadibna ay guda galayaan xil ka xayuubinta Cabdirisaaq Khaliif oo ah mid adag.
Dhanka kale, waxa jira mooshin lagaga jawaabayo tallaabada Xildhibaanada taabacsan Muuse Biixi iyo qorshahiisa doorashada ururada iyadoo mooshinkan xilka lagaga qaadayo madaxweynaha wuxuuna u baahan yahay oo kaliya 42 Xildhibaan.
In xilka gudoomiyaha laga qaado Cabdirisaaq Khaliif waxay u baahan tahay meel marinta 55 Xildhibaan waana tallaabo ku adag xukuumadda iyo xulafadeeda Xildhibaanada taabacsan Maxamuud Xaashi.
Qurbejoog ayaa ogaatay in xukuumaddu haysato tiro ku dhow 50 xildhibaan, balse marna ma dhici doonto in ay gaadhaan 55 xildhibaan taas oo burinaysa damaca Muuse Biixi ee ah Khaliif oo laga qaado xilka Wakiilada.
Si kastaba ha ahaatee, berri waxa la filayaa in buuq iyo sawaxan uu hadheeyo golaha iyadoo wax natiijo ahna aanay u badnayn in uu kasoo baxo kulanka.