|

Maalinta Khamiista ee todobaadkan oo Somaliland ay ka dhacayaan mudaharaado waawayn

Hargeysa. 7 August, 2022 (QJ)- Mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in maalinta Khamiista ee todobaadkan bisha August-na tahay 11 ay qabanayaan mudaharaadada waawayn ee lagu diidanaa muddo kordhinta isla markaana lagu dalbaayay doorshada madaxtooyada.

Isbahaysiga mucaaradka Somaliland waxay shaaciyeen in maalinta khamiista ee todobaadkan la qabanayo dibad baxyo waawayn oo ka dhacaya dhammaan lixda gobol ee Somaliland.

Shacabka Somaliland ayaa iskugu imanaya khayriyada iyo fagaarayaasha beerta xoriyada ee magaalo kasta oo Somaliland ah, sida lagu sheegay warqad wargein ah oo maanta isbahaysiga mucaaradka Somaliland u gudbiyeen wasaarada arimaha gudaha.

Baaqa dibad baxyada ee mucaaradka ayaa taageero ka helay xildhiaanada golaha wakiilada Somaliland, shacabka magaalooyinka kala duwan ee dalka iyo salaadiinta Somaliland, iyadoo todobaadadii lasoo dhaafay warbaahinta ay marinayeen dadkaasi fariimahooda.

Xukuumadda Somaliland waxay ku adkaysanaysaa in mudaharaadku sharci darro yahay oo aanay aqbalahayn.

Taliyaha ciidamada booliska ee Somaliland ayaa eedaymo culus u jeediyay mucaaradka isagoo ku celiyay in mudaharaadka aanay aqbalahayn.

Dastuurka Somaliland wuxuu muwaadiniinta u damaanad qaadayaa in ay xuquuqda dibad baxyada iyo in ay dareenkooda muujiyaan.

“Waxa aanu mar labaad kugu war galinaynaa mduane wasiir,in banaanbaxyadaasi ay ka dhici doonaan dhammaan gobolada iyo degmooyinka ay ka kooban tahay Jamhuuriaydda Somaliland, isla markaana banaanbaxayaashu isugu iman donaan 11-ka August khayriyadda iyo beerta xoriyadda ee dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka” ayaa lagu yidhi wargelin ay Isbahaysiga Mucaaradku gaadhsiiyeen xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland.

Falcelinta xukuumadda ee wargelintan danbe ayaan la ogayn iyadoo hore loo ogaa in xukuumadda Somaliland ay diiday war-gelintii hore ee Mucaaradku ay gudbiyeen si ay dibad baxyo u dhigaan.

Somaliland waxa ka dhaca dibad baxyo kala duwan, tusaale ahaan kuwa lagu soo dhawaynayo madaxweynaha marka uu safar kasoo laabto, dibad baxyada loogu dabaal dago maalmaha xoriyadda iyo kuwo kale, balse xukuumadda Somaliland ayaan sheegin waxa ay dibad baxyadani kaga duwan yihiin kuwaas kale, xili aanay dadku rabshad wadin ee si salmi ay mudaharaadayaan.

Comments are closed