|

MA KUFSIGAAAN CAFINAA MASE DHARBAAXADA ?.

Sida sooyaalka ku dhigan asal ahaan Soomaalidu waa bulsha karaamayya haweenka sharafana dumarkooda, ku xad udubkoodana waxaa ka dhalan jirey dagaalo sokeeye oo dhiig badani ku daato sababtuna tahay qoyska gabadhooda la fara xumeeyo ama dhib gurracan loo geystaa wexey ka xigeen dhiigooda.

Dhaqankaasi wuxuu noqday mid ilaa hadda layska dhaxlo, lana aaminsanyahay in murwada Soomaaliyeed ka hufantahay in dhib, dhac iyo dhibaataynba loo geysto.

Gabdhaha Soomaaliyeed dhankooda wexey caan ku yihiin dulqaadka, dhabar adayga iyo qadarinta ragga. Waa howl kar oo wexey u dhabar adaygaan dhammaan waajibaadka nolosha, tanina waa u dhaqan iyo hab nololeed ay kusoo ababaeen laguna sookoriyey, duruuftuna baday. Qoyska Soomaaligaa marka la eego gabadhu xuquuqa lama taabtaana ayey leedahay kuwa muran laga geliyo oo xaqeeda lagu tuntana wey jiraan sida guurka, gudniinka iyo waxbarashada gabadha ayaa marar badan waxaa muran geliya qayb ka mida waalidiinta, waase dhaqan aan loo badnayn.

Sidoo kale xiliga dowlada kacaanka ayaa xuquuqa badani gabadha somaliyeed usoo noqotay iyadoo wiilka kala mid noqtay xagga waxbarashada, shaqada iyo daryeel kaleba, wexeyna hormuud u noqtay horumarka, wax-soosaarka iyo koboca dalka. Si lamida sidii dhaqanka bulshadu ahaana wexey heshay ilaalin ugaara oo waxaa jirtey sheeka caana oo ahayd in1980s nin dowladaha yurub midkood u dhashay maalin isagoo maraya jidka Buundoyinka (Mogadishu) arkay laba gabdhood oo iskool ka yimid.

Quruxdooda iyo dhalaalkooda intuu aad uga yaabay ayuu gaari caduu watey is taajiyey wuxuuna ka codsaday Iney soo fuulaan. intey sanifeen dhaqankaas ayaa halkaa ismaan dhaaf ku dhex maray is af-lagaadhayn ka dhalatay, markuusuu ninkii intuu aad u xanaaqey gaarigii xoog ku waday, gabdhihii mid kamidana dharkeedii wasakh gaarsiiyey, gabdhihii Dacwadii iskoolka Raage Ugaas oo ay dhiganayeen ayey gaarsiiyeen. Iskoolkiina wuxuu isla markiiba la xiriiray xafiiska dabagalka Heyadaha. Laba beri kadib waxaa dugsiga la keenay ninkii oo lawado iyo file-kiisii oo dhamaystiran.

Ugu damayntii ninkii denbiilaha ahaa waxaa amar lagu siiyey Inuu mudo 72 saaca hawada Somalia ka kaga boxo. Iyadoo saasi jirtey ayaa bishii Sep iyo Dec 2014 waxaa soo ifbaxay dhacdooyin calool xuma badan ku abuuray bulshada Soomaaliyee oo ahayd in gabdhooda kuwa ka mida ciidamada huwanta “AMISOM” ay kufsi ugeysteen magaalada (Mogadhisu) iyo in dhakhtar dalka “Turkey” u dhashay gabar kalkaalisa caafimaada is maan-dhaaf kasib suuli ku jebiyey gacana saaray. Laba dhacdoba markii ay soo if bexeen ka sokow in dadka badankiis aad uga xumaaday kana jir damqaday hadana in badanoo bulshada iyo madaxda Somalida ahiba wey difaaceen wexey gar siiyeen labadaas dhinac ee dulmiga qaawan gabdhaha u geystey. Wexeyna ku difaaceen waa dad u soo gurmadey Iney na caawinaan, iyadoo la ogyahay in AMISOM-na isku fillaan la’aanta qaranka lid ku tahay, Hospitalka gabdha lagu dharbaaxayna gaar loo leeyahay lacagna dadka lagu daweeyo. Hadase Is-weydiintusu wexey tahay haddii qof u yimaadu Inuu xerada kula oodo ma u ogolaaney Inuu inantaada kufsado ama gabadhaada hortaada ku fara xumeeyo. Arinkaan sharaf dhac kastuu ahaa waxaan u liqnay si dadnimada iyo dhaqanka soomaaliyeedba ka fog, waxaana xeerinay wax aan mudnayn in la xeeriyo meel ka dhacna ku ah heybada gabadhayada. Balse hadeyba noqoto cafis taag-laawe waxaan walaalka Turkey-gaa u cafiney dharbaaxada dhabaka nagu qaaligaa ku taal.

Abdiaziz Bandiirad

Qoraa madax banaan

Bandiirad16@gmail.com

Facebook: Abdi Aziz Bandiirad.

Kuala Lumpur, Malaysia

 

.

Comments are closed