“ Ma Jirto Wax aanu ka raali gelinayno Waayo meesha ma taalo Waxaanu u aragnaa in Somaliland ay diidayso Xoriyatul Qawlkii”. Gudoomiyaha Telefishanka Universal
London 03.Feb 2014 (SDN)- Maamulka Telefishinka Caalamiga ah ee Universal, ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay maanta Somaliland ku xirtay Xafiiskii uu TV-gu ku lahaa Somaliland.
Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa wuxuu ku sheegay in Somaliland ay xirtay Xafiiskii Telefishinka Universal ee Somaliland.
Wasiirka, ayaa waxa uu Telefishinka afka Somaliga ku hadla uu ku eedeeyay, in uu baahiyay Barnaamijka lagu aflagaadeynaayo sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Gudoomiyaha Telefishinka afka Soomaaliga ku hadla ee Universal Eng. Axmed Abuukar, ayaa wuxuu cambaareeyay tallaabada ay Somaliland ku xirtay Xafiiskii TV-ga ee Somaliland.
Wuxuu sheegay in Barnaamijka Faaliyaha Qaranka uu la xiriiro xagga Majaajilada, isla-markaana aanu wax shaqo ah ku lahayn arrimaha Siyaasada.
Gudoomiyaha TV-ga Universal, ayaa wuxuu ku nuux-nuux-saday in Barnaamijka Faaliyaha Qaranka, horey loogu soo qaatay Madaxda Somalida, isla-markaana ay u arkayeen oo qura wax madadaalo uun ku eg.
Gudoomiyaha Universal Tv oo la Weydiiyay inay Raaligelin ka siinayaan Xukuumada Somaliland Barnaamijkaa ay baahiyeen ee lagu Qoonsaday ayaa Yidhi “ Ma Jirto Wax aanu ka raali gelinayno Waayo meesha ma taalo Waxaanu u aragnaa in Somaliland ay diidayso Xoriyatul Qawlkii”.
Eng. Axmed Abuukar, ayaa dhinaca kale iska fogeeyay eedeymaha Somaliland kaga yimid, ee ah in ay Dowladda Federalka ka caawisay Maamulka TV-ga, sidii ay Xarumo kaga furan lahaayeen Magaalada Muqdisho.
London SDN.
Qurbejoog.com