Ma hadhada Taariikhda iyo isbed-bedelka Siilaanyo:wasiirkayga(Maxamed Cabdilaahi Cumar) si buuxda ayaan ugu kalsoonahay, abidkiisna wasiir buu ahaanayaa
London May 25,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa xalay xilkii wasiirnimo ka qaaday wasiirkii wasaarada Ganacsiga iyo Maalgeshiga Caalemiga Md Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka mid ahaa ragii ay isugu dhawaayeen Madaxweynaha Somaliland xiliyadii Hore.
Wasiirka ayaa mar sanadii 2013 dii mar uu dhaliilo u jeediyay Aqoonyahan Maxamed Haruun Biixi madal ay ku kulmeen wefdi uu hogaaminayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo booqanayay London waxa uu madaxweynuhu ku tiraabay “Madaxda waa in la ixtiraamo, waraaqda ninkaasi sitto, (Waa aniga ninku, magacayga ayaanan u sheegay Madaxwaynaha, waanu isticmaalay), waraaqda uu Maxamed Haaruun sitto, oo aan filaayo inaanu akhriyin, (waxan u sheegay inaan akhriyay), waxa ku qoran lama hubo, wixii dhaliil ah ee Wasiirkayga ku socdaa, anigana waa igu socdaa, wasiirkaygana si buuxda ayaan ugu kalsoonahay, abidkiisna wasiir buu ahaanayaa.”
Hadaba isweydiintu waxaa ay tahay goaanka xil ka qaadista Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar wax ma ka bedeli doontaa habdhaqanka wasiirada xukuumada Axmed Siilaanyo ee isu heysta in masuuliyada ay dhaxleen.
SDN/QJ-London