Ma dhabaa in Xukuumadu Guddida Garxijis u isticmaashay qabashada Suldaan Cunaaye
Burco June 06, 2023 (QJ) – Suldaan Maxamed Muuse Cunaaye oo maalmo uun ka hor lagu Xidhay Magaladda Burco, ayaa ay iminka soo baxayaan sababha loo xidhay iyo cida ka danbeysay.
Suldaanka ayaa dhawaan wareysi uu bixiyay uga hadlay colaada ka aloosan duleedka Burco iyo heshiisyo gacan ku rimis ahaa oo aan ka turjumeyn xaqaaiqa ka jira degaanada colaadu ka socoto.
Suldaanka ayaa la sheegay in ay dhawaan u hanjabeen Guddida Garxajis ee Doorashooyinka u waashay oo ay xukuumadu dabada ka riixeyso.
Xukuumada oo hore qabashadiisa u amartay ayaan ku guuleysan in ay Suldaanka xabsiga dhigto, balse hada u isticmaashay madax-dhaqameed Waddini taageera.
Suldaanka oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa Ciidamada booliska Gobolka Togdheer ay xabsiga u taxaabeen, ka dib kolkii uu fashiliyay xogo bulshada uu metelo lidi ku ah oo ay wado xukuumada dhacday.
“Markii hore maan dagaalameyn ee iminkaan dagaalameynaa” ayuu Suldaan Cunaaye dhawaan u sheegay SomNews Tv oo wareystay.
Si kastaba ha ahaatee, Xukuumada Somaliland ayaa aduun badan ku bixisa qabqabashada xubnaha mucaaridka ah ee aaney awoodin in ay qabqabato.
Waxaana maalin walba soo baxaya tabaha guracan ee madaxtooyadu u isticmaaleyso horgaleyaal ay kolba isku heybta yihiin mucaaridka la xirxirayo.