Ma Dhabaa in Xukuumada Somaliland Qorsheyneyso in ay Xabsiga Dhigto Guddoomiyaha UCID?
Hargeysa July 15,2013(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa maalmihii u danbeeyay ku hawlaneyd sidii ay ula tacaali laheyd Gollaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ee dhawaanta looga dhawaaqay magaalada Hargeysa.
Xukuuada ayaa sas weyn ka qaaday Gollahan oo toosh ku ifiyay wax qabad la’aanta Xukuumada.
Sidoo kale Gollaha Wada Tashiga Qaran ee Somaliland oo ay ku bahoobeen Ashqaas dalka Sumcad kuleh ayaa sheegay in ay Shir Turxaan bixin ah dalka ku qaban doonaan dhawaan.
Hadab Xukuumada Somaliland ayaa damacsan in xabsiga dhigto xubnaha ku bahoobay Gollahan khaasatan Guddoomiyaha Xisbiga Qaran ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe.
Xukuumada ayaan ilaa iyo haatan ku dhiiran in ay tilaabo ka qaado xubnaha ka dib kolkii ay ka war heshay in xariga xubnaha Gollaha Wada Tashiga ay keeni kareyso Gadood Shacab.
Haseyeeshee Xukuumada Kulmiye oo ku kala qeybsan waxa laga yeelayo gollahan ayaa isla eegaya qorshe looga hortago kulamada danbe ee Gollaha Wada Tashiga Qaranka.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com