Ma dhabaa in Xildhibaan Axmed Khaliif heego baadi goobeyso
Hargeysa Feb 12, 2023 (QJ) – Warka naga soo gaarya ilo wareedyo ka agdhow Xildhibaan Axmed Khaliif ayaa noo sheegay in Xildhibaanka oo ka baqa qaba in ay qabtaan koox ka carootay dhalilihii shalay uu ku garaacay Muuse Biixi uu ku dhuumaaleysanayo magaalada Hargeysa.
Kooxdan caadifadu ilowsiisay in Axmed Khaliif yahay Xildhibaan laga soo doorto Gobolka Sool isla markaana leh xasaanada ayaa la sheegay in ay xildhibaanka ka baadi goobayaan caasimada.
Ilo wareedyadu nooma sheegin tilaabooyinka Xildhibaanku qorsheynayo balse waxa ay nalasocodsiiyeen in uu dacwad u gudbiyay xubnaha beesha caalamka ee isha gaarka ah ku haya xaalada Laascaanood.
Sidoo kale Degaanka laga soo doorto Xildhibaanka ee Sool oo martigelinaya ciidanka ayaa la sheegay in ay diidmo ka kala horyimaadeen dhaqdhaqaaqa Heego ku dooneyso in xildhabaanka ay sharci daro ku afduubtaan.
Ficilka Heego ayaa sababi kara in dadka degaanka Sool ee ciidamada martigelinya in ay gadood uga falceliyaan hadii la xiro Xildhibaan Axmed Khaliif.
Si kastaba ha ahaatee waxa soo dhamaaday dulqaadkii shacabka ee tacadiyada Heego, waxaana degaan weliba haatan ka falcelinayaa dhaqan xumadooda.