Ma Dhabaa in Marwada Madaxweyne Axmed Siilaanyo Lacago la meereysaneyso Aqalada Wasiiradii dhawaanta Xilka laga qaaday?
Hargeysa July 14,2013(SDN)Xogo aanu ka helay ilo ku dhaw dhaw madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaya in maalmihii u danbeeyay ay Marwada Madaxweyne Axmed Siilaanyo isaga goosheysay aqalada masuuliyiintii xilalka dhawaanta ku waayay isku shaandheyntii.
Marwo Aamino Weris ayaa waxa caado u ah in ay booqato Masuuliyiinta xilalka laga qaado oo ay guddoonsiiso lacago af-qabasho ah oo ay ku dooneyso in masuuliyiintaasi uga hadal siraha xukuumadii uu ka midka ahaa.
Lacagaha Marwadu bixiso ayaa kolba ku saleysan xilka iyo xogta uu hayo masuulka xilka laga qaaday.
Waxaana na soo gaaray in Marwo Aamino Weris ay dhawaan mashquul ku aheyd xaal mastuurka wasiiro daacad u ahaa oo ka carooday in xilalkii laga qaaday.
Si kastaba ha ahaatee habdhaqanka Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamino Weris ayaa ah mid ku cusub dhaqanka reer Somaliland.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com