|

Ma dhabaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka Baaqsaday Safar uu beri ku tegi lahaa dalka Turkiga waa Maxayse Sababtu

Muqdisho 11.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday safar uu maanta ku tagi lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu uga qeyb geli Maalinta Xornimada dalkaas oo ku beegan maalinta berri.

Xasan SheekhWarar Lagu Kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu u baaqday arrimaha la xiriira soo magacaabida Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo Madaxweynaha uu wali ku guda jiro la tashiyada iyo soo xulida shaqsiga noqonaya Wasiirka Koowaad.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka qeyb galaya xuska maalinta xornimada Kenya, iyadoo lagu wado in gelinka dambe ee maanta uu u ambabaxo. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu diyaar garowgii u dambeeyay ugu jiro soo magacaabadi Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo ay u badan tahay in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo.

Madaxweynaha ayaa saacadihii u dambeeyay waday kulamo uu la lahaa xubnaha codsiyada soo gudbistay, isagoo wareysi ka qaadayay, isla markaana ka dhageysanayay qorshahooda iyo hadii la magacaabi waxyaabaha ay qabanayaan.

Waxaa wali la sugayaa magacaabista Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo dhegta dhegta loo taagayo, waxaana warar soo baxayay sheegayeen in Madaxweynuhu ku dhawaaqi doono gelinka dambe ee maanta.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed