Ma dhab baa in Xanafta doorashadii Deegaanku sababtay in dib loo dhigo tartankii Ciyaaraha gobollada Somaliland?
Hargeysa January, 11 2013 (SDN)- Tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo lagu waday inuu Hargeysa Stadium ka furmo 15-ka bishan aynu ku jiro ee January, ayaa la sheegay in markale dib looga dhigay waqtigaas hore u qorshaysnaa.
Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanku soosaartay oo lagu shaaciyay dib-u-dhigistaas, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, qabsoomida tartanka Ciyaaraha waxa dib u dhigay xanafta ka dhalatay doorashadii Deegaanka ee 28 November ka dhacday Somaliland.
Saddex maalmood ka hor, haween tiro badan oo ah taageerayaasha urur-siyaasadeedka Xaqsoor oo aan ku qancin natiijadii doorashada ee la sheegay inuu ka mid noqday ururadii ku hadhay, ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin in tartanka lagu qabto Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeisa Stadium, intii ay ku gudo jireen kulan baroor-diiq ah oo ay u sameeyeen dhalinyaradii ku dhimatay mudaharaadyadii ka dhashay natiijadii doorashada, kuwaasoo ay sameeyeen taageerayaasha Xaqsoor ee degmada Axmed-Dhagax ee caasimadda Hargeysa.
Warku wuxuu intaa ku daray in dib-u-dhigistu la xidhiidho sidii looga fogaan lahaa in rabshado ka dhashaan, maadaama ay weli taagan tahay xanafta ay doorashadu keentay iyo diidmada ururka Xaqsoor, kaasoo naqdiyay habkii doorashadu u dhacday oo khaladaad badani ka soo baxeen.
Waxa la sheegay in qorshahan dib-u-dhigista ay doraad miiska Madaxtooyada saareen Madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda degmada Axmed-Dhagax ee magaalada Hargeysa, kuwaasoo sida la sheegay ku taliyay in qorshahani uu saamaxayo in laga hortago in qabashada tartanka ciyaaruhu dhibaato sababo.
Sida la sheegay, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa aqbalay soo-jeedintaas, inkastoo aan la sheegin waqti cayiman oo dib loogu riixay qabashada tartanka ciyaaraha gobollada.
Dib-u-dhigistani waa tii labaad ee qabashada tartanka ciyaaraha gobollada dib loogu dhigo, iyadoo markii hore Wasaaradda Ciyaaruhu shaacisay inuu qabsoomi doono 15-ka bishii aynu ka soo gudubnay ee December 2012.
Hase yeeshee, waxa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu shaaciso dib-u-dhaca tartanka ciyaaraha sannadka 2012.
Qurbejoog.com,