|

LONDON: Guddoomiyaha Xafiiska LONDON SLNTV oo fulinaaya amar uu soo saaray Maareeyahu oo uu kaga madnuucay dhamaanba xusbiyada mucaaridka iyo Agaasimaha Xafiiska LONDON oo mushaharkii kala baxsaday Shaqaalaha Qaarkood

London Dec 30,2013(SDN)- Guddoomiyaha Telefishanka Qaranka Somaliland ee Dalka UK Cabdi Bacow, ayaa amar ku siiyey shaqaalaha iyo wariyeyaasha ka hawl-gala xarunta telefishanka ee London isla markaana ka mabnuucay in telefishanka laga baahiyo munaasibadaha ay qabsadaan Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani Isagoo fulinaya amar uu soo saaray Khadar Cali Gaas oo uu kaga madnuucay dhamaanba xusbiyada mucaaridka .Arintan oo ah hujuun cusub oo ay xukumadu ku qaaday mucaaridak si ay shaashada qaranka ka dhaxaysa uga saarto, waxaana lagu dhaqmayey go’aankan in badan.

Agaasimaha xarunta telefishanka ee London oo wakhtigan socdaal tamashle ah  tigidh ku goostay Lacago dheeraad ah oo loo soo diro hawlaha xafiiska waxaanu socdaal ugu maqanyey dalka Masar oo uu booqasho ugu tagay Xaaska Gudoomiyihii Masar isagoo gunadii meesha ee biti cash ka  hore u sii qaatay,shaqaalihiina kala baxsadey mushaharkoodii waxaana warkan shabakada Rasmi Media u xaqiijiyey nin ay aad isugu dhowyihiin Cabdi Bacow oo degan SOUTH LONDON iyadoo ay marka horeba lacagtan kala qaybsanjireen Agaasimaha iyo Gudoomiyuhu.

Gudoomiye Cabdi bacow ayaa amar ku siiyey  shaqaalaha iyo hawl-wadeennada telefishanka inay wax war ah ka soo duubin munaasibadaha ay qabsadaan masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiyada UCID iyo Waddani ee dalka UK,  sida laga soo xigtay Cabdi Bacow oo la hadlayey mid ka mid ah xubnaha ay aad iskugu dhow yihiin oo uu u sheegay sida uu dagaalka ugula jiro xisbiyada mucaaridka.

Amarka uu Mr Bacow ku duudsiyey xuquuqday ay xisbiyada dalku ku leeyihiin warbaahinta dawladda, ayaa lagu ogaaday munaasibad casho-sharaf ah oo xisbiga UCID caawa ku qabsaday SOUTHALL LONDON, ka dib markii wariyeyaasha ka hawl-gala telefishanka oo taageerayaasha UCID ka dalbadeen inay xafladdooda yimaaddaan uu ku wargeliyey inaanu iman Karin sababo la xidhiidho amar uu ka haysto masuulka ugu sarreeya xafiiska Telefishanka Qaranka ee UK. Howlaha xarunta ayaa waxa ilaa hada la baaxaadaga ragii awalba wadey iyadoo aanay maamulka haday London joogaana aan ka soo agwareegin oo danahooda gaarka ku faafa.

Lama oga sababta ku kalliftay go’aanka uu qaatay Mr Bacow, haseyeeshee wariyaha arrintan fashiliyey oo isaga laftiisu aan ogolayn go’aankaas, ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in Guddoomiyaha Xafiiska Telefishanka ee LONDON uu fasaxaas ku maqnaan doono muddo dhowr iyo Toban maalmood ah, isla markaana uu qaar ka mid ah shaqaalaha Tv-ga oo wariyani ka mid yahay uu Mushaharkoodii kala tagay.
Arrintan ayaa fadeexad aan laga soo waaqsan ku ah Maamulka Guud ee Telefishanka Qaranka oo markii horeba khilaaf ba’ani ka dhexeeyay wasiirka wasaaradda Warfaafinta, waxaanay astaan u tahay ceebaha iyo boogaha aan la dhayi karin ee maamulka Siilaanyo gacmaha kula jiro.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed